Q16: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

Maalmo kadib. Natiijada Imtixaanka ayaa lasoo Dhejiyey.

Cayuuni, Cali iyo Canab waxa ay ka mid noqdeen 20 Arday ee ugu sareysa.

Cali Hooyadiisa waxa ay maqashay Cali iyo Cayuuni inay ka mid noqdeen ardayda ugu sareysa Imtixaanka, waxa ayna go’aansatay Labadooda Hal jaamacad inay wada Dhigtaan iyo Hal Kulliyad ay wada dhigtaan.

Cali Hooyadiisa ayaa u yeertay Cali iyo Cayuuni, Marka ay u yimaadeen kadib waxa ay ku dhahday, “ilmaheygow Waan Maqlay natiijadiina, Marka waxaa la iga soo Wacay Jaamacadda Magaalada ugi Weyn, waxaana la igu yiri,(Labadaada ilmo waxa ay ku guuleysteen Deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah, labadooda hana yimaadaan Jaamacadda), kawarama Hadalkaasi”

Cayuuni: “Habo aniga waan ogolahay, waayo waa mid nasiib ah hadiiba aan helay Deeq Waxbarasho oo lacag la’aan ah, kaba soi daran waa jaamacadda ugu weyn, Habo qarashka waalidka in la ilaaliyo waa mid wanaagsan”

Cali: “Hooyo waan ogolahay balse kulliyadaan rabo waan dooran karaa sooma ahan”

Cali Hooyadiisa: “Maya anigaa idiin wada dooray waana Kulliyadda Clmiga kombuutarka(Faculty of Computer Science)”

Cali oo xoogaa aamusay oona galay Isla hadal baa yiri: “Haa hadiiba Computer uu yahay dookha hooyo waa hubaal Gabadhaani dhexda ayey ku hareysaa waayo Gabadhaha inta badan ma jecla Barashada Computer-ka”, isla hadal kadib “Hooyo waan ogolahay aniga”

Cayuuni: “Aniguba ha iga reebin waan ogolahay”

Cali Hooyadiisa: “Haye ilmahaheygow Duco aruursateen Runti, Aabbahana anigaa U sheegayo, dhawaana waad tagi doontiin Jaamacadda”

》 Dhanka kale

Canab iyaduna waxa ay heshayDeeq Waxbarasho oo Dibedda ah, waxaana usoo dhameeyey Abtigeeda oo dibedda jira.

Saacado kadib.

Cali iyo Canab waxa ay ku kulmeen Qadka internet-ka, Halkaasi oo ay ku wada sheekeysteen.

Cali arinta ay Hooyadiisa ku Dhahday ayuu u sheegay Canab.

Canab iyaduna waxa ay u sheegtay Cali arinta Dibedda oo abtigiisa soo sheegay.

Cali: “Abaayo wallaahi waad iga dheeraaneysaa, aniguna halkaani miyaa igaga tageysaa”

Canab: “Aboowe Abti waxaan isku Fahamnay Sanad walba inaa Soo laabto Micnaha Maalmaha Fasaxa inaa ku qaato Magaladaan ku dhashtay, Aboowe wax walbana wanaag ayey noqonayaan, ee isdeji, Inta maalin ee ii harsan waqti badan ayaanu isla qaadaneynaa Qaali, Aniga adiga keliya ayaan sugayaa, insha allah kolkaan dhameeyo jaamacadda waan is-guursan doonaa”

Cali: “Macaanto haddiiba Axdi iyo Kalsooni ina dhex taalo wax walba wanaag ayey noqonayaan, insha allah waqti badan kula qaadan doonaa Inta aad sugeyso bixitaanka”

Canab: “Aboowe macaane Beri galab ayaa usoo horeyso aan isku imaano Maqaayad Hebel ee ku dhex taala hotel-ka xaafadda ku yaala”

Cali: “insha allah Abaayo waana kulmeynaa Beri Galab”

Canab iyo Cali sidaasi ayey isku Macsalaameeyeen

Cayuuni oo aan ka daalin inay ka keensato Kasbasho Dhanka cali ah, waxa ay mar waliba oo uu banooniga ka yimaado u keentaa Cabitaan, xaataa waxaa ka maseereen Wiilasha isaga ka yaryar oo yiraahdeen, “Gabadhaan Cali keliya Korineysa annaga inama jeedo miyaa”, Balse wiilasha xaataa waa ay ki dartay oo ay u diyaarisaa cabitaan iyo waxyaabo Jirka uroon oo dhisa.

》 Maalintii xigtay

Cali waxa uu yimaaday Maqaayad Hotel-ka ku dhex talo oo ay isku Balamiyeen Canab.

Canab iyaduna waa ay timid maqaayadda.

Cali iyo Canab waa ay wada sheekeysteen.

Canab: “Qaali Aniga keligaada ayaan suganayaa oo Mustaqbal kaaga dhigtay, Adiguna samey oo haka caajisin inaad i sugto, sanadkiiba mar ayaan imaanayaa inta aan magaalada joogana waqtiyo badan kula qaadanayaa, kolka aan kaa dheerahayna Waxaa inna caawinaya Net- interrnet-ka”

Cali: “Macaaney hadalkaada waan qaatay waana kuugu kalsoonahay, waana ku sugi karaa, insha allah mar walba iskama caajiseyno arageenna iyo maqalkeennaba”

Canab iyo Cali  Maqaayadda waxa ay ku qaateen Waqti badan, Arimo badana waa ay ka wada hadleen.

Saacado kadib

Cali iyo Canab waa ay kasoo tageen Maqaayadda Hotel-ka, kadibna kala aadeen Xaafadahooda.

 

La Soco Qeybta Xigta Inshaa Allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *