Q15: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

Maalintii Xigtay xilliguna uu yahay Galab. Cayuuni iyo Cali waxa ay ku heshiiyeen qofba markiisa inuu tago Meesha si aan looga shakinin inay isku raaceen xeebta.

Cali waa uu isa soo diyaariyey kadibna guriga ayuu kasoo baxay isaga oo usii jiheystay waddada aada Xeebta.

Xoogaa kadib Cayuuni iyaduna waa ay isa soo diyaarisay, balse iyada oo Bixi rabta waxaa albaabka ku aragtay Habaryarteeda oo ah Cali Hooyadiisa.

Cali Hooyadiisa ayaa tidhi: “Haye maantay aad ayaad u labisataye Halkeee usocotaa”

Cayuuni waxa ay tidhi: “Habo Hawshii aad ii dirtay Qeyb ka mid ah miraheeda ayaan soo geli rabaa, sidaasu ayaana u socdaa”

Cali Hooyadeeda: “Haa oo sidaasi miyaa, oo isaga sidaasi ayuu u labistay miyaa, waxaana arkaayey isaga oo aad u labistay kadibna baxay, Haye Gabadheyda yaan ku daahin ee orod”

Cayuuni waa ay kasoo tagtay Guriga, kadibna Usii jiheysatay Dhanka Xeebta.

Xoogaa Kadib

Cali iyo Cayuuni waa ay isku Yimaadeen, oo waxa ay fadhiisteen Maqaayad aan weligooda Fadhiisanin, kadibna sheeko ayey galeen.

Cayuuni waxa ay tidhi: “Aboowe ma ogtahay Ruuxa Murugo ama Mashquul badan Heysto Xeebta haddii yu yimaado inuu noqonayo Qof caadi ah oo wax walba ka baxayaan, waayo Neecawda iyo Hirarka Badda ayaa ka saaraya Waxaasi”

Cali wuxuu dhahay: “Sax abaayo, ee waxaad ii heyso ii soo gudbi”

Cayuuni waxa ay tidhi: “Aboowe Horta aniga Waxaan ahay Gabadh iska Qalbi Furan haddana ilmo Habaryar ayaanu nahay, waana ka helay qaab dhaqankaada iyo wanaagaada, Aboowe waxaadna tahay wiil yaqaana qiimaha Jacayl iyo Qiimaha Dumarka ay leeyihiin, aboowe Nafteydu ruux ayey Jeceshahay Ruuxaasina Ruux kale ayuu Jecel yahay, Mida ku heysato Mid ka weyn ayaa i heysta aniguna”

Cali waxa uu yiri: “Abaayo wax walba waan Xalineynaa, Qofka aad jeceshahay waad ii sheegi doontaaye, waxaan kuu sheegayaa Qoftii Caaisho aheyd inaa Balamiyey oo ay soo socoto, markaan arko Muuqaalkeeda, kadib ayaan runta u sheegi doonaa, Marka arimahaada dib aynu u yar dhigno”

Cayuuni waxa dhahday: “Haye aboowe”

Cali iyo Cayuuni Qadka internet-ka ayey wada isticmaalayeen, cabitaano ayaana loo keenay.

Cayuuni oo ah Gabadha Caaisho u yaqaano, waxa ay fariin u dirtay Cali oo ay ku dhahday, “Waan joogaa Xeebta ee halkee ka joogtaa”

Cali oo arkay fariinta ayaa u jawaabay oo dhahay, “Haa aniguba waan joogaa Maqaayad Heblaayo imow”

Cayuuni waxa dhahday: “Haye aboowe waan kuu imaanaa”

Fidno aan La Fahmi karin Cayuuuuuniii.

Cali ayaa ku yiri Cayuuni: “Abaayo waa ay socotaa Caaisho hadda ayey xeebta soo gashay”

Cayuuni oo xoogaa aamustay kadibna ku tiri Cali: “Aboowe caaisho jacayl miyaad u qaatay”

Cali waxa uu yiri: “Maya abaayo laakiin ogaanayaa qofta ay tahay”

Cayuuni waxa dhahday: “Haye Aboowe, waana kuu soo laabanayaa oo qeybtaasi kale ee sawirada farshaxanka yaalaan aadayaa isii sug”

Cali ayaa yiri: “Haye abaayo”

Cayuuni inta ay meesha tagtay kadib, waxa ay teleefoonka ka wacday Cali oo waxa ay ku tiri, “Aboowe waan kuu jeedaa ee igu imow Qeybta Farshaxanka sawirada”

Cali xoogaa yar kadib waa uu imid, kadib Caaisho ayuu wacay.

Cayuuni waa ay ka qabatay kadib Codkii ay Badeli jirtay waa iska dhaaftay oo waxa ay kula hadashay Codkeeda Rasmiga ahaa.

Cali markuu maqlay Codkaasi ayuu yiri; “Aaway Caaisho codkaani ma lahane”

Cayuuni waxa ay dhahday: “Caaisho waaye ee gadaal soo fiiri”

Cali inta uu fiiriyey ayuuba Arkay Cayuuni oo meesha taagay teleefoonkana ku hadleysa, kadib waa uu u tagay.

Cali waxa uu yiri: “abaayo Caaisho isoo wacday inta soo fiiri i dhahday mana u jeedo”

Cayuuni waxa ay dhahday: “Haye hadda wac si aan aniga ula hadlo”

Cali markuu wacay teleefoonka waxaaba soo dhacay teleefoonka cayuuni, cali intuu yaabay ayuu teleefoonka cayuuni soo qabtay, kadib ayuu ku yiri cayuuni: “Abaayo aaway Lambarkaan gabadhii laheyd”

Cayuuni: “Saan oo dhan miyaad u jeceshay Caaisho oo aad u rafaadeysaa raadinteeda aniguna arin ayaan ku weydiiyey oo aan ku dhahay talo iga sii, Qofta Caaisho u taqaano waa Aniga, Qofka aan Jeclaaday ee aan ku dhahaayey qof kale ayuu jecel yahay waa Adiga”

Cali indho keliya kasoo Haray, afkiiba juqda gabay.

Cayuuni waxa ay dhahday: “Aboowe miyaadan daawanin miyaa Filimka Body-Card ee uu atooraha ka ahaay Salmaan Khaan, sidaasi oo kale inaa sameeyo ayey igu soo dhacday, waayo Markaan usoo wareegsaday Gurigiina ayaaba kaa helay oo qalbigeygu ku raacay”

Cali oo xayiraad ka saaraneed hadal ayaa usoo jawaabay Cayuuni: “Midaani waa ay igu dhacday wallaahi, Gabadhaan jeclaay shaki ayey mar iga qaatay balse waan xaliyey, adiguna jacayl ayaaba ii qaatay mideeda kale isku guri ayaanu joogaa, arinkaadu waa mid agteyda ku weyn, waana inaa isiisaa Muddo 3 Bilood, keliya iga jooji wacitaanka teleefoonka iyo inaad igala soo hadasho Qadka internet-ka”

Cayuuni waxa ay dhahday : “Maadaama aan kuu geestay Dhibaato waan ogolahay shuruudahaada balse 3 bilood waa isku yareysay, waadna Badsan kartaa haddiiba guriga kula noolahay, anigaa ku daryeeli doono aniga oo aan kaaga soo waceynin teleefoon ama qadka internet-ka, Laakiin waad ii ogoshahay inaa si caadi ah kula hadlo ama kula sheekeysto soma ahan”

Cali wuxuu dhahay: “Haa abaayo taasi waan kuu ogolahay”

Xoogaa kadib

Cayuuni iyo Cali waa ay kasoo tageen Xeebta, balse inta ay jidka sii socdeen ayey ku kala tageen, Oo cali waxa yu aaday meel kale halka Cayuuni ay guriga soo aaday.

Cayuuni inta waddada ku jirtay wax ay gashay isla hadal oo ay tiri; “Haddiiba guriga ka joogo waa inaa sameyaa wax aan kusoo jiidan oo aan ku kasban karo isaga, aniga oo teleefoonka ama Net-ka ka wacin ayaana sameyn karaa, waana inaa bilaabaa isla Caawa markuu yimaado”.

Cayuuni Guriga ayey timid.

Cali hooyadiisa oo banaanka fadhiday ayaa u yeertay cayuuni, kadibna ka wareysatay Arinta Cali.

Cayuuni waxa dhahday: “Habo waan sidaan kuu sheegay Oo Shuruudo ayuu igu Xiray waana inaa kasoo Baxo”

Cali Hooyadiisa: “Haa sidaasi lagaa rabaa Gabadh iga dheh Cayuuni, insha allah wixii gadaal kasoo baxo anigaa xalinaayo keliya inta hore kasoo bax”

Cayuuni waxa ay tidhi: “Haye Habo, qolkaana sii galayaa”

Cali Hooyadiisa: “Haye gabadheyda Hawl wacan”

Cali markuu ka tagay Cayuuni waxa uu aaday Maqaayad ku taala Xaafadda oo dhalinta isku yimaadaan, halkaasi ayuu casriyo iyo sheeko la galay Asxaabtiisa.

Saacado kadib

Cali waxa uu yimid Guriga.

Cayuuni ayaa aragtay Cali oo guriga soo galaya, kadib inta ay u yeertay bay ku tiri “malaha waad daalan tahaye, Hoo Koobkaan Biyaha Qabow leh Cab”

Cali oo aan ka diidin ayaa ka qaatay kadibna uu Cabay, wuxuuna ku yiri: “Wallaahi Oonka i hayey ayaad ogeyd, haddana biyo qasan oo Maankaba ka go’eynin ayaad Isiisay Jirka oo idilna waa uu ii qabooway, waadna ku mahadsan tahay walaasheyda macaan”

Cayuuni waxa ay tidhi: “Aboowe waan isku leenahay, mahadsanid inagama dhaxeysa”

Cali kadib waa uu ka tagay oo Qolka ayuu galay.

Canab iyo Cali waa ay isla hadleen oo qadka Net-ka ayey ku wada sheekeysteen, Kaftan iyo Ereyo Jacayl ayey isku tuur tuureen, xoogaa kadibna waa ay is-macsalaameeyeen.

Cali markuu qadka internet-ka kasoo baxay waxa uu soo aaday Banaanka balse inta uu albaabka soo dhaafin waxa uu arkay Garaafe albaabka ag-yaala, waa uu soo qabtay kadibna waa uu fiiriyey, waxa uu ku arkay Caano qasan oo qabow ah, inta uu qolka soo galay ayuu Cabay keligiisa, wiilasha kale waa ay iska hurdayaan.

Cayuuni oo qolkeeda ku jirta waxa ay niyadeeda ka tiri, “Waxaan filayaa inuu Caanihii Cabay, Balse ayaan ogaanayaa oo hadda waan ka seexanayaa”

Waagii markii la gaaray Cayuuni Albaabla waxa ay kasoo qaatay Garaafihii, waa ayna ogaatay inuu Cabay Cali.

La Soco Qeybta Xigta Inshaa Allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *