Q1: Qisada Qeys iyo Leylo

0

Qays iyo Leyla, waa Qiso jaceyl ah oo ka mida sheekooyinka ugu caansan bariga dhexe, sheekadaan waxa ay taariikhdeedu u noqoneysaa ilaa qarnigii 7-aad, Layla iyo Qeys waa Qiso sida oo kale ku faaftay Waqooyiga Afrika iyo Hindiya, haddaba Layla iyo Qeys maxaa ay ahaayeen? Qisadoodu sidee ay u dhacday?
Nin la oran jiray Majnuun (ninkii waalnaa) oo magaciisa caadiga ahi uu ahaa Qays ayaa Leyla kula kulmay si kedis ah, meel ay dumar xaflad ku lahaayeen, dabadeed waxa uu bilaabay in uu geelihiisii gawraco munaasibada haweenka awgeed, haweenkana waxaa ku jirtay Leyla, Leyla waxa ay jaceyl u qaaday Qays isna mid la mid ah ayuu u qaaday, si dhakhso ah ayaa Qays u doonay Leyla inuu u geed fadhiisto oo uu weydiisto aabbaheed, balse nasiib daro Leyla aabbaheeda hore ayuu nin kale ugu balan qaaday in uu inantiisa siinayo, Qays arrintaasi waa u cuntami weyday waxa uuna ku adkeystay in Leyla la siiyo, halka Leyla aabbeheedna ku adkeystay in inantiisa uu nin kale ugu balan qaaday, Qays waxa uu noqday nin jaceyl qaaday, laakin inantii uu u qaaday ku hunguubay.
Qays oo jaceylka Leyla uu ku dheeraa ayaa ka samri waayey dabadeed, waxa uu bilaabay in uu dugaaga weheshado oo uu duurjoogta u tago.
Qays aabbihii ayaa isku deyey in uu ilowsiiyo inankiisa jaceylka  haleelay wiilkiis, balse Qays xanuunkiisii waa ka sii daray oo waxa uu noqday nin waalan oo xiskiisii ayaa raacay Leyla.
Qays waxa uu u tiriyey Leyla gabayo badan oo uu mar ku amaanaayo, marna ku calaacalaayo, marna uu ku muujinaayo marxaladaan cusub ee la soo deristay.
Gabayada Qays uu u tiriyey Leyla waxa ay qayb ka noqdeen suugaanta Faaris iyaga oo u isticmaali jiray siyaabo kala duwan, waxaa la sheegaa mararka qaar ina ay u isticmaali jireen hees hawleedyo.
Isla marka uu Qays ku sugnaa xaaladaas Layla waxa ay joogtay gurigooda oo lagu ilaalinaayey iyada oo gabayada uu tirinaayo Qays ay ka dhigeen Leyla mawduuca qura oo lagu sheekeysto iyo xanta dadka. Leyla aabbeheed waxa uu balan ku galay inuu Qays ka ilaaliyo Leyla, qiimaha ay doonto ha ugu kacdee, waxaa la sheegaa in nin la dhaho Ibnu Salaam u weydiistay Leyla aabbeheed in uu siiyo laakin Leyla aabbeheed waxa uu ninkaa u sheegay in inantiisu weli yar tahay oo uu sugo ilaa dhowr sano si ay ugu soo korto.
Qays waxa uu galay nolol adag oo silic leh, sheekadii Qays waxa ay gaartay nin la oran jiray Nezamis oo ahaa nin deeqsi ah oo sida la sheegay boqor ka ahaa dhulkii Faaris ee hada loo yaqaan Iiraan, ninkaas oo isku dayey inuu Qays la taliyo, laakin markuu kala quustay waano iyo talo ayaa la sheegaa in boqorkaa ay ka gaartay in uu weerar ku qaado Leyla reerkii ay ka dhalatay isaga oo ka doonayo reerkaas in Leyla iyo Qays laysa siiyo hadii kale dhiig daadan doono.
Inkastoo dagaalkii dhacay oo la jebiyey Leyla qabiilkoodii haddana aabbaheeda waxa u ku adkeystay in aanu marnaba Leyla siin doonin Qays isaga oo ku dooday in Qays dhulka dhigay oo burburiyey sharaftii Leyla, waxa uuna oran jiray dabeyl kasta oo soo dhacdaa waxa ay sidaa magicii inanteyda, isaga oo sheegay in Leyla oo uu Qays siiyaa uu ka dooranayo inuu dilo oo qoorta ka jaro Leyla.

Turjumadii: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *