Pep Guardiola Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac so gaadhay John Stones.

0

Macalin Pep Guardiola ayaa ka warbixiyay dhaawaca John Stones ka dib markii uu ku dhaawacmay qeybtii hore ee kulankii Manchester City ay 3-1 kaga badisay Everton Arbacadii.

Stones ayaana  la badalay daqiiqadii 43-aad ciyaarta waxana uu u muuqdaa in uu dhaawac kale oo kuraanta ah.

Daafaca heerka caalami ee dalka England ayaa kaliya saftay sideed kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan ka dib markii uu la dhibtoonayay dhaawac sinta ah bilowgii xilli ciyaareedkan.

“‘Uma eka mid wanaagsan laakiin waan arki doonaa”Guardiola ayaa u sheegay Amazon Prime ka dib guushii City ee Goodison Park

“Waxa uu ka dhaawacmay kuraanta”ayuu sii raaciyay.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *