Palmer Iyo Jackson Oo Dib Usoo Nooleeyey Chelsea Oo Guul-darrooyin Xidhiidh Ka Ahaa Kasoo Noqotay

0

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa kusoo laabatay tubta guusha kaddib laba khasaare oo waaweynaa oo ay kasoo hoygay labadii ciyaarood ee u dambeeyey ee horyaalka Premier League oo ay soo garaaceen Manchester United iyo Everton.

Chelsea oo garoonkeeda ku qaabishay naadiga ugu hooseeysa horyaalka Premier League ee Sheffield United ayaa waxay heshay   3-dhibcood oo ay si weyn ugu dabbaal-dageen ciyaartoyda niyad-jabku daashaday.

Laba gool oo ay qaybtii labaad kala dhaliyeen Jackson iyo Palmer ayaa Chelsea siiyey guushan oo u suurtogelisay in ay yimaaddaan kaalinta 10-aad ee miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League.

Daqiiqaddii 54-aad ayaay Chelsea qabatay hoggaanka ciyaarta oo uu goolka koowaad u dhaliyey Cole Palmer oo dhamaystiray kubbad uu ka caawiyay Raheem Sterling oo karoos hoose ka keenay dhinaca midig, waxaana uu goolkani noqday midkii lixaad ee uu Palmer ka dhaliyo horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan.

Goolkan oo laga soo hubiyey VAR ayaa la fasaxay kaddib markii la xaqiijiyey in Nicolas Jackson oo looga shakisanaa offside lkn uu la sinnaa difaacyahannada Sheffield United.

Dhamaadka ciyaarta oo ay 9-daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayay Chelsea keentay goolka labaad oo uu u dhaliyey Jackson oo ciyaarta ka dhigay 2-0, kaddib markii uu baas dahabi ahaa xerada ganaaxa ugu dhiibay Cole Palmer.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Chelsea ay soo gashay kaalinta 10-aad ee miiska kala-sarraynta waxaanay ku haysataa 22-dhibcood, iyadoo 15 dhibcood ka dambaysa Liverpool oo hoggaanka horyalka haysa.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *