– Raaxada waa afar: Raaxada jirka oo ku timaata cuntada oo la yaraysto, raaxada ruuxda oo ku timaata dembiga oo la iska yareeyo, raaxada qalbiga oo ku timaata is mashquulinta oo la yareeyo iyo raaxada carrabka oo ku timaata hadalka oo la yareeyo.

– Ka Tigtoonow Afartaan: Ninka u carooda qofkii raalli-gelin waaya, ka la fariista qof aan soo dhoweynayn, ka u baahi sheegta mid aanba waxba ku dhaamin iyo ka ku hadla wax aan khusaynin.

– Haddii uu dacwad kugu yimaaddo nin isha laga soo riday, ha u xukumin illaa aad dhegeysato ka kasoo riday gartiisa.

– Haddaad la fariisato dad kaa aqoon badan dhegeyste fiican noqo,

– Weligaaba iska jir inaad hadalka ka dhex gasho qofka isagoo aan dhamaysan.

– Dadka xorta ahi Laabtoodu waa sanduuqa sirta.

– Ha ka hadlin wax aadan war u haynin ama aqoontiisa lahayn.

– Carrabku waxaa uu turjumaa caqliga qofka.

– Qofka ka aamusaa Xaqqa waa shaydaan af xiran.

– Dadka qaar meel kastoo ay tagaan farxad iyo baraare ayaa ay ka dhaliyaan, halka qaarkoodna markay tagaan laga waayo farxadda iyo baraaraha.

– Nolosha waa isu-geyn, kala-goyn iyo qaybin: Isugeey oo ururi asxaabtaada iyo dadka aad is jeceshihiin; Naftaadana ka-jar oo ka fogow inaad kula dhaqanto dadkaa danayste-nnimo iyo bakhayl-nnimo; Jacaylkaagana si siman ugu qaybi dadka ku-jecel. Waxaad noqon doontaa ka dadka ugu farxadda badan.

– Haddaad wax bixiso waxaad tahay qof naxariis badan, laakiinse ha illaabin in markaad qofka baahan wax siinayso ay waajib kugu tahay inaad indhahaaga ka ilaaliso aragtida cawradiisa.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *