Oraahyo Cajiib ah oo ka hadlaysa Kobcinta Garaadka

0

Waxaan halkaan idinku soo gudbinayaa Oraahyo Cajiib ah, kuwaasi oo ka hadlaaya Kobcinta Garaadka qofka, waana kuwo laaoo xulay, waxa ayna oranayaan Oraahyada;

  • Dhaqtar ayaa mar yidhi: “Daawada ugu wanaagsan dadka waa Jaceyl.” Qof ayaa weydiiyey: “Ka waran haddii uusan shaqeynin?” Wuu dhoola-cadeeyay wuxuuna ku yirldhu: “Badso dose-ka, isticmaalka daawada”.
  • Will baa Hooyadii weydiiyey: “Sidee baan u heli doonaa haweenayda Saxda ii ah aniga?. Hooyadii baa ugu jawaabtay. “Haka wel-welin helida haweenay sax ah, xooga saar sidii aad u noqon lahayd Ninki Saxda ahaa”
  • Nin baa Farmashi soo galay waxa uu ka cabanayey stress badan, wel-wel, xanaaq, hurdo la’aan & cabsi. Farmashiistihii ayaa ku yidhu, “Waxaa u baahan tahay Vitamin Diin ah si waxaan ku haya kaaga ba’aan. Marka Alle ku xirnow, Salaada iyo ducada badi”
  • Gabadh ayaa weydiisay Nin Sheekh ah, “Sidee baan ku ogaan karaa inuu si dhab ah ii jecel yahay?”  Sheekhi ayaa ugu jawaabay, “Naftaada keliya ha eegin, hubi marka hore in Allihii ku abuuray uu jecel yahay. Sidee buu qof kuu jeclaan karaa ama kuu siin karaa Jaceyl dhab ah, goortii aysan xitaa jeclayn Allihii adiga ku abuuray?
  • Nin dhalinyaro ah ayaa nin Caaqil ah ku yidhi, “Sidee baan Adduunka is bedel ugu sameyn karaa?” Caaqilkii ayaa ugu jawaabay, “Haddii aad rabto inaad is bedel ku sameyso Adduunka, samee intaad keligaa tahay. Sababtoo ah guurka ka dib xitaa ma bedeli kartid TV channel.
  • Wiil Dhalinyaro ah baa su’aalay oday weyn, “Waa maxay Romance” ODaygii ayaa ugu jawaabay, “Romance waa inaad reer yeelato, mas’uuliyad weyn isa saarto, kadibna Reerkaaga aad u shaqeysato”

Diyaariye: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *