Oraahyada Maanta iyo Waxa ay ka hadleyso

0

– Qofkoo naftiisa ka hela, qabkiisana ku qancaa waa tilmaamta liidashada lagu ogaado.

– Sirta noloshu ma’ahan inaad samayso waxa aad jeceshay, balse waa inaad jeceshay waxa aad qabanayso.

– Qaraabada iyo ehelka cunto iyo cabbitaan la wadaag, laakiinse abidkaa shaqo ha la wadaagin.

– Karaamada iyo weynida qofka waxa lagu qiyaasaa ilaa xadka uu diyaar u yahay inuu u naxariisto kuwa xaqqiisa qaladka ka gala.

– Hadaad caado ka dhigato in aad ka xanaaqdid wax kasta oo ku raalli gelin waaya, abidkaa nolosha ku xasili maysid.

– Haddii aad doonto Khayrka minjo u noqo, balse sharka madax ha u noqon.

– Marka aad walaalkaa ka caawiso inuu buur fuulo, waxa aad ogaataa in aad tahay qofka ugu dhow ee ku xiga isaga fanashada buurtaas.

– Qofka oo xanaaqa marka la canaantaa, waa astaan muujinaysa in uu mudnaa canaanta.

– Marka aad taariikhda dib u raacdo waxaad ogaanaysaa in runtu mar walba tahay mid aan la faafin.

– La fadhiiso dadka caqliga badan, xitaa haddii ay yihiin cadawgaaga, waayo caqligu caqliga ayuu la hadlaa.

– Cadawgaaga mar keliya ka feejignoow, balsr saaxiib la moodkaa badan ee qofka aad la saaxiibayso kun jeer ka feejignoow. Immisay dhacday in saaxiib cadaw isu rogay uu xog ogaalnimo boqonta ku jaray ruuxii aaminay.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *