ORAAHDA MAANTAY WAA MID DHIIRIGALIN AH

0

Dagaalka ugu wayn ee uu qofku galo waa kan uu naftiisa la galo.

Nafteenu haddii ay hgogaanka inoo qabato nolasheenna adduun iyo mid Aakhiraba waxa ay noqotaa shallayto iyo hoog is barkan oona dhammaad yeelan doonin, haddii aynu innagu hoggaaminana waxa aynu ku naaloon doonaa farxad iyo degaansho.

Riyooyinka aynu leenahay waxa aynu gaari karnaa maalinta aynu nafsadeenna gacanta ku dhigno.

Ogowna ma jirto cid inta ay inoo timaado inna badalaysa,ama innagaa boorka ka kici ama habaaskaas baynu dhex jiifi doonaa illaa wadku inoo yimaado.

إِنَّ اللَّهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُوا مَا بِأَنفُسِهِمْ ۗ

” Ilaahayna ma dooriyo wax dad ku sugan yahay inta ay ka doorinayaan waxa naftooda ku sugan”.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *