Ogow Sababta No.88 Looga Mamnuucay Horyaalka Talyaaniga Xilli Ciyaareedkan

0

Ciyaaryahanada Kubadda Cagta Talyaaniga waa laga mamnuucay in ay xirtaan funaanada No.88 waa tanaa sababta.

Horyaalka Seri A ayaa ciyaartoyda ka joojisay maaliyadda No.88 bilawgii xilli ciyaareedkaan 2023/24 taas oo qayb ka ah ololaha lagula dagaalamayo Yuhuud nacaybka.

Waa mid ka mid ah ku dhawaaqida lagula dagaalamayo naceybka yahuuda ee Talyaaniga oo dhan, iyadoo lambarkaas ay isticmaaleen dadka taageersan Naziyiinta iyaga oo astaan uga dhigta Hitler.

Xarafka ‘H’ waa xarafka sideedaad ee alifbeetada waxa ayna calaamad u tahay salaanta ‘Heil Hitler’.

Fasal ciyaareedkii 2022/23, xiddiga Lazio Toma Basic iyo laacibka Atalanta Mario Pasalic ayaa soo xirtay maaliyadda No.88 ee horyaalka Italy ee Serie A.

Kadib markii la sameeyay isbadalka sharciga ee Seria A, Basic waxaa loo gacan galiyay maaliyadda No.26 halka Pasalic uu haatan xirto maaliyadda No.8.

Sharciga lagu mamnuucay funaanadda No.88 ayaa la xaqiijiyay bishii Juun, iyada oo madaxweynaha xiriirka kubada cagta Talyaaniga Gabriele Gravina uu ku dhawaaqay in ay qeyb ka noqonayaan ololaha ay Talyaaniga uga soo horjeedaan yahuud nacaybka.

Waa midaasi sababta looga mamnuucay Horyaalka Talyaaniga xirashada No.88

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *