Ogow: Dhibaatooyin Laga Qaado Jacaylka Aan Lagula Wadin & Talooyin Muhiim Ah

0

Mar walba Waa in aynu xasuusnaano in wax kastoo nolosha innagu soo maraa uu yahay fursad aynu ku ogaan karno xaqiiqada nafteena sida Jacayl aan lagula wadin oo kale, isla markaana aynu aqoonsano in aanay jirin waayo aragnimo aan faa’iido laheyn, haddii ay ugu liidato waxaa hubaal ah in aynu ka baranayno casharo aynu kala soo baxno, si ay innooga caawiyaan in nolosheenna mustaqbalku ay noqoto mid ka duwan tii aynu soo marnay.

Sheeka baraleyda iyo filimada Hollywood ee malo awaalka ah, ayaa lagu arkaa laba qof oo is-jecel oo intay is-calmadaan noloshooda inta hartay farxad ku dhammaysto. Laakiin, nolosha runta ah sheekooyinkaas quruxda badan waay ka duwan tahay. Waxay u badan tahay in jacaylku aanu sidiisaba garowshiyaba ka helin dhinaca kale.

Qormadaan oo aynu ka soo xiganay kasoo xigtay shabakadda Aljasiira waxay ka warramaysaa duruufaha nolosheed ee qofku uu la kulmo markuu la noolaado jacayl aanu dhinaca kale la wadin iyo waxay tahay inuu sameeyo, si uu uga adkaado duruufahaas dhibta badan.

Aqoonyahan lagu magacaabo Sisal-Morasca ayaa warbixin uu sii daayey talefishanka ‘Channel’ ee dalka Canada’ waxay ku sheegtay in inkasta oo ay suurtagal tahay in raggu ay ku dhacaan jacaylka dumarka, oo aanay gabadhu la wadin, haddana runtu ay tahay in haweenku ay yihiin kuwa dhibta ugu badan kala kulma xaaladda jacayl ee aan lala wadin.

Dumarku abuur ahaan ayaa ay u samaysan yihiin dabeecadda ah inay wax kasta u raadiyaan faahfaahin dheeraad ah iyo in ay u fiirsadaan siduu ku yimid iyo macneyaasha ku duugan, taasina marar badan waxay keentaa in faahfaahinta ay helaan ay noqoto mid iyaga khatar ku keenta. Dhibta haweenka hela waxaa ka mid ah in dhoola-caddayn yar oo ay qofka kale ku aragtay, dhaqaaq dabacsan iyo deymo ama sheeko si gaar ah u dhisani ay sabab u noqon karaan, in markaba ay gabadhu u qaadato in ninkaasi uu dareen jacayl u muujiyey, marar badanna ay dhacdaba in iyaduna siday ruuxaas uga fikirayso ay marka dambe jacayl run ah u qaaddo.

Dhab ahaan jacaylku qofka uu ku dhaco wuxuu ku beeraa dareen xiisaynaya inuu fasirto oo fahmo macaamilka dhinaca kale, isagoo weliba ku qiimaynaya siday isaga niyaddiisu jeclaan lahayd.

Waxay aqoonyahannadu sheegeen in qofka aad jeceshay oo aad ogaato in aanu jacaylkaas kula qabin, ay dhibaato aad u xanuun badan qofka qalbigiisa ku keento.

Markuu xaalka qofkan oo kale ugu ladan yahay waa marka qofka uu jeclaaday ee kaga baxay ama la wadi waayey u hayo xusuuso aan fiicnayn. Waayo markasta oo dareenka caashaq soo laba kacleeyo, maskaxda qofku waxay sawiranaysaa ceebaha iyo dhaliilaha ay qofkan u hayso, sidaa awgeed waxay isku samirsiinaysaa in aanu ahayn qofkii ku habboonaa inuu jacayl u hayo.

Talaabooyinka ugu horreeya ee uu qofku kaga gudbi karo duruufaha adag ee ka dhasha jacaylka lala wadi waayey, waa in uu naftiisa u sameeyo waqti tacsiyeed u gaar ah. Waa hab dadka ku xeeldheer cilmiga bulshadu kula taliyaan qof kastoo gooya xiriir uu qof kale la’ lahaa, xitaa haddii uu yahay xiriir bani’aadamnimo oo caadiya.

Waa run in jacaylku uu xusuusta qofka ku sii jirayo muddo, laakiinse waxaa muhiim ah in qofku uu naftiisa ugu celceliyo xaqiiqada ah in qofkaan uu jeclaa aanu u soo socon, sidaa awgeed ay ku qasban tahay inay la qabsato duruufaha nololeed ee qofkaas la’aantiisa ah.

Markaynu fahanno xaqiiqada ah in jacaylka aynu qabnaa uu yahay mid aanu dhinaca kale innala wadin, waxaa qasab ah in aanay maskaxdu helin waqti badan oo ay kaga fikirto dhibta heshay ama ku sawirato maalmihii wanaagsanaa ee qofka aynu jecelnahay aynu la soo wadaagnay.

Waxaaa muhiim ah in aynu nafta ku mashquulinno hawlo kale oo u diida inay hesho firaaqo ay kaga fikirto ruuxa ay jeclayd. Waa run inay adagtahay in qofka la jecel yahay dhayal lagu illaawaa, laakiin waxaa suurtagal ah in maskaxda laga ilaaliyo inay hesho waqti ay ku qaadato xusuusta jacaylkaas.

Talooyin wax ku ool ah:

In habeen iyo maalin dhexdood aynu jacayl kaga bogsannaa, waa arrin ma dhacdo ah. Maskaxdana ku hay in aanay dadku isku mid ka ahayn u nugaylka dhibta ka dhalata caashaqa guulaysan waaya.

Aqoonyahannada cilmiga xiriirka bulshadu waxay kula taliyaan qof kasta oo waaya ruux uu jeclaa, geeri iyo gaabsi midkuu doono ha ku waayo ee, inuu maro tallaabooyinkan:

Oohinta: In qofku mararka qaarkood nafta u fasaxo inay oohin ku cabbirto culayska nafsiga ah ee uu ka qaaday jacaylka lagaga baxay ama lagu diiday, waxay nafta siisaa nafis dheeraad ah iyo inay aqbasho in qofka ay jeceshay aanu diyaar u ahayn inuu dhibtaan oo dhan la qaybsado, sidaa awgeed ay xanuun badan illowdo.

Heesaha iyo filimada: Marar badan dadka xaaladaan oo kale ku dhacdaa waxay miciin bidaan dhegeysiga heesaha calaacalka ah iyo daawashada filimada laga jilayo xaalado la mid ah kuwa ay ku jiraan. Waana run in ay xanuunka haya dhaymo u noqon karaan, oo ugu yaraan daqiiqadaha uu daawanayo ama dhegeysanayo uu wax badan ku raaxaysto, laakiin khubarada cilmiga bulshadu waxay qirayaan inay dawashada filimadaan ama dhegeysiga heesahaan keliya sii hurinayso dareenka laabta qofka gubaya.

Jarista xiriirada: Qofka xaaladaan ku dhacdo waxaa lagula taliyaa inuu jaro dhammaan xiriirada bulsho ee uu leeyahay, ugu yaraan inuu waqti xaddidan joojiyo. Waa run inay tahay arrin aan hawlyarayn, gaar ahaan marka qofka jacaylka kaga baxay ama ku diiday uu yahay qof u dhow, sida markay isku shaqo, jaamacad ama deegaan yihiin iyo markay ehel yihiinba.

Xusuus tirtir: Waxaa fiican in qofku uu iska fogeeyo ama ka takhaluso dhammaan sawirrada, farriimaha, qoraallada iyo shay kastoo xusuusta jacayl maskaxda ku soo celinaya.

Dib ugu noqon hab fikirkaaga: Waxay khuabrada cilminafsigu ku talinayaan in qofka xaaladdani heshaa uu ku dadaalo inuu beddelo hannaanka uu u fikiro, iyo inuu ku dadaalo in xusuustiisa ku riixo inay ka fikirto arrimo ka duwan kuwa ay marka hore ka fikiri jirtay, sida inuu hawlo cusub bilaabo, inuu safro ama inuu shaqo kale u wareego.

Naftaada waqtgi la qaado: Khuburada waxay ku talinayaan in qofka xaalad jacayl lagaga baxo ama lala qaadi waayaa uu ku dadaalo inuu naftiisa u sameeyo waqti gaar ah oo ay kelideed isla shawrto, si uu dib ugu noqdo waxa ka qaldan siday naftiisu arrimaha nololeed u kala mudnaysiiso, iyo waxa uu mustaqbalka doonayo.

Diyaariye: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *