Newcastle Oo Ceebeysay Man United & Ten Hag Oo Cadaadisku Ku Soo Laabtay.

0

Kooxda Kubadda Cagta ee Newcastle United ayaa garaacday Man United kulan ka tirsanaa premier League todobaadkii 14aad.

Naadiga Newcastle ayaa ahayd kooxda fiican min bilow ilaa dhamaadka ciyaarta iyagoo ka awood badnaa kooxda Man United.

Newcastle ayaa samaysay fursado aan tiro lahayn, laakiin waxa ka maqnayd dhamaystirka waxana ay iska qasaariyeen fursado aad u badan.

Kooxda Man United ayaan xitaa madaxa kor u qaadin qaybtii hore ee kulanka waxana ka awood badnayd kooxda Newcastle United.

Waxa bar baro 0-0 ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta, laakiin Newcastle ayaa u qalantay in ay dhaliso ugu yaraan 3 ciyaarta marka la eego dadaalkooda iyo qaab ciyaareedkooda.

Qaybtii dambe ayey Newcastle ku bilaabatay si dar dar leh waxana ay raadinayeen sidii ay u dhalin lahaayeen goalka furitaanka.

Daqiiqaddii 55aad yay Newcastle dhalisay goalka koowaad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Anthony Gordon kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1-0.

Kooxda Man United ayaa kaliya ciyaarta oo dhan hal laad la heshay goalka Newcastle iyagoo guud ahaan laaday kaliya 8 kubadood.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Newcastle ku garaacday Man United 1-0 oo ay waliba u qalmeen wax intaas ka badan.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *