Newcastle iyo AC Milan oo dhibcaha wada qeybsadeen iyo Newcastle oo heshay Dhibicdii ugu horreysay 20 sanno kadib

0

Kooxda kubadda cagta ee Newcastle United ayaa dib ugu soo laabatay tartanka Champions League-ka, waxa aanay heshay dhibicdii ugu horreysay kulankii koowaad, kadib markii ay garoonka San Siro barbarro goolal la’aan ah kula galeen AC Milan.

Kulan uu jawi saaxiibtinimo geliyey xiddiga Tonelli oo xagaagii u kala wareegay labada kooxood aya labada kooxoodba heleen fursado, iyada oo ka hor intii aanay bilaabmin ciyaartuna lagu xusay musiibooyinka ka dhacay waddamada Morocco iyo Libyaa ee dhul-gariirka iyo fatahaadda ah.

Kooxda AC Milan ayaa inta badan ciyaarta maamulaysay oo awood badneyd, maadaama garoonkeeda la joogay. Sideed jeer ayay toogteen goolka Newcastle, hase-yeeshee waxa shabaqiisa uga dhaartay Nick Pope oo dhawr kubbad ka badbaadiyey, halka fursado kalena ay iska khasaariyeen weerarka Milan oo u muuqanayey inay kalsoonida ka lumisay Inter Milan oo xasuuq xun u geysatay kulankii Sabtidii.

Tababaraha Kooxda Milan Pioli ayaa waxa uu ku soo bilaabay Samuel Chukwueze, Tommaso Pobega iyo Fikayo Tomori, hase-yeeshee waxa khadka dhexe oo adag kala hortimid Newcastle United.

Xiddiga Tommaso Pobega ayaa helay fursad cajiib ah kadib khalad uu sameeyey goolhaye Nick Pope, waxa aana uu kubadda u dhiibay Chukwueze oo madax ku qbatay halka Olivier Giroud uu kubbad qalaama rogod ah lugta la waayey.

Ciyaaryahanka Rade Krunic ayaa u dhowaaday in uu shabaqa soo taabtay kadib kubbad laad xor ahayd oo uu soo tuuray Theo Hernandez oo uu madax ku qabtay, taas ayaa waxyar dhinaca ka martay birta.

AC Milan ayaa15 jeer qaadday weeraro halis ahaa ayaanay waxba ka keenin, haseyeeshee goolhayahooda beddelka kusoo galay ee Marco Sportiello ayaa la baxsaday dhamaadkii oo kubbad awood badan uu ku ganay xiddiga Shaun Longstaff.

Naadiga Milan ayaa waxa intii ay ciyaartu socotay ka dhaawacmay goolhaye Mike Maignan oo uu beddelay Marco Sportiello.

Labada Kooxood sidaasi ayey Ciyaartooda kusoo dhamaatay 0-0.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *