Maxaa aadan ogeyn oo Ka dhacay Ciyaartii u dhaxeysay Aston Villa iyo Arsenal?

0

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa loo saaray guul daradii labaad ee horyaalka wadanka Ingiriiska ee Premier League ee xilli-ciyaareedkaan, waxaana 1-0 ku badisay Aston Villa oo kaalinta labaad u ridday Gunners.

Goolka keliya ee madiga ah oo uu dhaliyey xiddiga John-McGinn ayaa go’aamiyey ciyaar si adag loogu dagaalamay oo ay Arsenal ku lumisay hogaanka horyaalka Premier League oo si buuxda Liverpool ay ugala wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League.

Naadiga Aston Villa oo toddobaadkii hore guul ay u qalmaysay kasoo gaadhay kooxda Manchester City ayaa waxa ay isla dariiqaas oo kale marisay Arsenal oo ay ka qaadatay 3 dhibcood oo muhiim ah.

Daqiiqadii toddobaad ee bilowga ciyaarta ayaa uu xiddiga ee John McGinn dhaliyey goolka kala saaray labada kooxood, kaas oo sidoo kale sabab u noqday in Aston Villa ay 1 dhibic kaliya ka dambayso Arsenal oo kaalinta labaad ku jirta.

Ciyaartaan oo uu ganaax kaga maqnaa tababare Mikel Arteta oo dusha sare ee garoonka fadhiyey, ayaa waxa ay Arsenal waqtigii dheeraadka ahaa dhalisay gool uu u saxeexay  Havertz, kaasoo markii laga soo hubiyey VAR ay xaqiijisay inay kubaddu gacanta kaga dhacday xiddiga reer Germany ka hor intii aanu goolka dhalinin.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *