Mauricio Pochettino Oo Xaqiijiyay Dhaawac Soo Gaaray Xiddig Dhawaan Soo Laabtay.

0

Tababaraha Kooxda Chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa xaqiijiyay dhaawac cusub oo soo gaaray xiddiga khadka dhexe ee Romio Lavia.

Lavia ayaa ka qayb qaatay kulankii ugu horeeyay ee kooxda Chelsea tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda suuqii xagaagan.

Xiddiga khadka dhexe ayaa badal ku soo galay qaybtii dambe ee ciyaarta isaga oo u ciyaaray daqiiqadihii ugu horeeyay ee kooxdiisa cusub ee chelsea.

Mauricio Pochettino ayaa sheegay in uu ka wal-walsanyahay xaalada xiddiga Lavia kadib markii uu ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay kooxda.

“Waxaan ka walwalsanahay Romeo Lavia”.

“Wuxuu ku dhamaystay ciyaarta dhaawac laakiin waxaan rajaynayaa in uuna dhaawac weyn ahayn”.

 

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *