Manchester United Oo Xasuuqday Barnsley, kulan ka tirsanaay Carabao Cup oo ay Ciyaareen

0

Kooxda kubada cagta ee Man United ayaa xasuuq ba’an u gaysatay kooxda Barnsley kulan ka tirsanaa tartanka Carabao Cup-ka.

Tababare Erik Ten Hag ayaa shaxda ku soo galay xiddigaha aan sida joogtada ah ugu ciyaarin kooxda kulamadii hore ee xilli ciyaareedkaan.

Kooxda Man United ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal wakhti hore ah.

Xiddiga reer England ee Marcus Rashford ayaa dhaliyay goolka 1-aad daqiiqadii 16-aad waxana uu hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kooxda Man United ayaa sii waday dadaalada waxana daqiiqadii 36-aad goolka u dhaliyay xiddiga Antony kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-0.

Xiddiga reer argentina ee Alejandro Garnacho ayaa daqiiqadii 45-aad dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 3-0.

Qaybtii dambe ayay Manchester United sii waday weerarada iyaga oo u muuqday kuwo doonayay doonayay in ay badiyaan goolasha.

Daqiiqadii 49-aad ayuu xiddiga Alejandro Garnacho dhaliyay goolka 4-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 4-0.

Rashford ayaa daqiiqadii 58-aad dhaliyay goolka 5-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 5-0.

Kooxda Manchester United ayaa dhamaystirtay Nus-darsinka goolasha iyadoo uu  Eriksen dhaliyay goolka 6-aad ee kooxdiisa.

Xiddiga Eriksen ayaa dhaliyay goolka 7-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay natiijo waali ah oo ah 7-0.

Waxaa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Manchester United xasuuqday Barnsley

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *