Manchester United Oo macsalaameysay Champions League Iyo Europa League, garaacay garoonkeeda

0

Kooxda Manchester United ayaa ka hartay tartanka Champions League, sidoo kalena aan fursad loo siin in ay ciyaarto Europa League, waxaana rajo yar oo liidatay oo ay lahaayeen ka burburisay Naadiga Bayern Munich oo 1-0 ku garbaashtay kulan ka dhacay Garoonka Old Trafford.

Kooxda Manchester United ayaa waxaa dilay gool uu dhaliyey Kingsley Coman qaybtii labaad, kaas oo ahaa goolka keliya ah ee kala saaray labada kooxood.

Rajadii Manchester United kusoo bixi karaysay waxa ay ahayd in ay ka badiso naadiga Bayern Munich, sidoo kalena ay barbarro ku dhamaystaan kooxaha FC Copenhagen iyo Galatasaray, taas oo iyaduna aan dhicin.

Manchester United ayaa waxa qaybtii hore fursado badan ka qasaariyey xiddigaha Antony, Rasmus Hojlund iyo Bruno Fernandes, halka Scott McTominay uu goolka la seegay darbado uu tuuray.

Marka lagu soo nqoday qaybtii labaad ayaa Bruno Fernandes uu laynka dushiisa ka helay kubbad halis ahayd oo uu usoo dhiibay xiddiga Aaron Wan Bissaka, hase-yeeshee waxa uu dul mariyey birta.

Daqiiqadii 70-aad ayaa Harry Kane uu kubad ka dhax saaray difaacyada Manchester United waxaana uu lugta u saaray xiddiga Coman oo meel cidlo ah u baxay oo kubadda la hortegay goolhaye A. Onana oo uu dhinaca ka dhigay, waxaanu sidaas ku dhaliyey goolka keliya ah ee Old Trafford murugada ka abuuray.

Manchester United ayaa lixdii ciyaarood ee Champions League waxa ay guuleysatay hal mar oo kaliya oo ay FC Copenhagen ka badiyeen iyada oo kooxda reer Denmark dhamaadkii iska qasaarisay rikoore ciyaartaas, halka Galatasaray ay barbarro 3-3 ah la gashay United, mar kalena ku garaacday garoonka Old Trafford.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Manchester United ay ku dhamaysatay kaalinta ugu hoosaysa ee Group A, waxaana ay kaliya haysataa 4-dhibcood, iyada oo kaalinta koowaad ay Bayern Munich kusoo gudubtay 16-dhibcood

Dhanka kale, kooxda FC Copenhagen ayaa 1-0 kaga badisay Galatasaray oo usoo gudubtay wareega 16-ka Champions League, halka kooxda reer Turkey ay u dhacday Europa League oo ay ka dheeli doonto.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *