Manchester United Oo Guuldaro Lama Filaan Ah Kala Kulantay Naadiga Crystal Palace, Weliba Old Trafford Ayaa Lagu Dhex-Tumay.

0

Kooxda kubadalda Cagta ee Manchester United ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Crystal Palace kulan ka dhacay garoonka Old Trafford kana tirsnaaa horyaalka premier League.

Ciyaarya ayaa ahayd mid aad ugu adag kooxda Manchester United iyadoo Crystal Palace si fiican u difaacanaysay goolkeeda una diiday United in ay dhaliso goolka.

Dhanka kale Man United ayaa ahayd kooxda ku fiican maamulista ciyaarta laakiinse waxay ku dhibaatoonaysay inay sameeyaan wax fursado ah ama ay dhaliyaan wax goolal ah.

Crystal Palace ayaa daqiiqadii 26aad dhalisay goolka 1aad waxaana u dhaliyay daafaca Joachim Andersen kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Palace ku hogaaminayso.

Kooxda Man United ayaa wax walba u samaysay siday u dhalin lahayd goolka bar-baraha laakiinse Crystal Palace ayaa si waali ah u difaacatay goolkeeda.

Waxaa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Manchester United ku dambayso 1/0 xilli ay Crystal Palace dhalisay goolka.

Qaybtii dambe ayay Man United sii waday dadaalka ay ku doonayso goolka bar-baraha xilli ay Crystal Palace dhinaceeda sii waday daafaca ay ku ilaashanayso goolkeeda.

Waxaa sidaas ku dhamatay ciyaarta oo ay Crystal Palace ku garaacday Man United kulan ka dhacay garoonka Old Trafford.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *