Manchester United Oo Guul darro Xanuun Badan Loo Xambaariyey Kaalinta Ugu Hoosaysana gashay Group A

0

Kooxda Manchester United ayaa guul darro xanuun badan loogu soo xambaariyey waddanka Denmark, waxaana dhulka jiid jiidday kooxda Copenhagen oo kusoo garaacday 4-3, iyada oo Man United ay xajisan kari weyday guul gacanteeda ku jirtay oo ay ciyaarta ku hoggaaminaysay 2-0, ka hor intii aan laga daba imanin.

Kulan musalsal ahaa oo toddoba gool la iska dhaliyey, ayaa Man United gelisay halis ah in ay ka harto tartanka Champions League, iyada oo kaalinta ugu hoosaysa kaga jirta Group A.

Kooxda Manchester United ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 3aad oo uu gool u dhaliyey Rasmus Hojlund oo waxyar kadibna ciyaarta ka dhigay 2-0, isagoo u muuqanayay inuu niyad jabiyey naadigiisii hore ee uu kasoo baxay carruurnimadiisii.

Balse Marcus Rashford ayaa Red card toos ah ka qaatay Manchester United oo burburiyey qorshahoodii ciyaareed, waxayna taasi keentay in laga daba yimaaddo oo afar gool laga dhaliyo.

Daqiiqaddii 45-aad ayay Copenhagen furatay dhalinta goolasha oo ay keentay goalka koowaad, waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray qaybta horena waxayn keentay goalka barbarraha.

Kooxda Man United ayaa u muuqanaysay inay guuleysanayso markii loo dhigay rikoore uu gool u beddelay Bruno Fernandes daqiiqaddii 69-aad, hase yeeshee natiijada iyo filashada midkoodna ma noqonin sidaas.

xiddiga Lukas Lerager ayaa daqiiqaddii 83-aad lugta midig ku dhamaystiray kubbad laga soo tuuray dhinaca midig oo aanu goolhaye Onana wax fursad uu ku joojiyo u helin inkastoo uu gacanta bidix ku taabtay oo uu leexiyey, waxaana uu ka dhamaystiri kari waayey goolkiisa, iyada oo ciyaartu noqotay 3-3.

Daqiiqadii 87-aad, ayaa Manchester United waxa dilay wiilka 17-jirka ah ee reer Denmark ee Roony oo gool qurux badan oo lugta bidix uu ku dhaliyey daba mariyey goolhaye Onana oo meel hawo ah ay gacmihiisu taabteen.

Naadiga Manchester United ayaa waxay kaalinta ugu hoosaysa ee afraad kaga jirtaa Group A, iayda oo haysata 3 dhibcood oo kaliya oo ay ka xoogsadeen kulankii hore ee FC Copenhagen, taasoo dhamaadkii uu goolhaye Onana ka badbaadiyey rikoore haddii laga dhalin lahaa ay caawa Red Devils si rasmi ah u macasalaamayn lahayd tartankan.

Kooxda Bayern Munich oo u gudubtay wareegga 16-ka oo haysata 12 dhibcood ayaa hoggaaminaysa Group A, waxaana min afar dhibcood haysata Galatasaray iyo FC Copenhagen oo labaad iyo saddexaad ku kala jira.

Kooxda Manchester United waxay ciyaarta soo socota u tegi doontaa naadiga Galatasaray, halka kulanka ugu dambeeyana ay waajihi doonaan Kooxda  Bayern Munich.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *