Manchester United oo guul ay u rafaaday ka gaartay Luton

0

Kooxda Manchester United ayaa kusoo laabatay waddada guusha ee ay ka lumiyeen Arbacadii oo ay kooxda reer Denmark ee FC Copenhagen ay kusoo garaaceen 4-3 kulan ka tirsanaa tartanka Champions League, waxaana maanta la baxsaday V. Lindelof oo dhaliyey goolkiisii u horreeyey muddo saddex sannadood ah kadib.

Kulan fursaduhu aad u yaraayeen oo ay Manchester United u baahnayd guul si ay u badbaadiyaan tababare Erik ten Hag oo la sheegayay in la cayrin doono haddii ay guul-darraystaan, ayaa waxa saddexda dhibcood u go’aamiyey V. Lindelof oo darbad xooggan oo lugta bidix ah ka dhax saaray deersin difaacyahanno ah, kuna hubsaday shabaqa.

Kubbad hoosaysay oo uu dhinaca midig ka keenay S. McTominay ayey iska saareen difaaca Luton, balse Lindelof oo taagnaa laynka dushiisa ayaa ku celiyey.

Goalkan ayaa noqday midkii koowaad ee uu dhaliyo Lindelof 1056 maalmood, taas oo ah saddex sannadood oo uu ku jiray abaar goalal la’aan ah.

R. Hojluna ayaa Manchester United ka qasaariyey fursad dahabi ahayd oo loo qaatay goal, ka hor intii aanu ku bixin dhaawac muruqa ah.

Kooxda Manchester United ayaa waxa kale oo ka dhaawacmay C. Eriksen oo ka baxay garoonka qaybtii hore ee ciyaarta.

Natiijadaan ayaa ka dhigan, in Manchester United ay soo gashay kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League, waxayna lix dhibcood ka dambeeyaan Manchester City iyo Arsenal oo min 27 dhibcood haysta.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *