Manchester City Oo Xasuuqday ba’an u geysatay Ipswich Iyo Haaland Oo Saddexley Dhaliyay

Kooxda Kubada Cagta ee Manchester City ayaa sii wada bilowgeedii fiicnaa ee premier League iyagoo garaacay kooxda Ipswich Town.
Kooxda Ipswich ayaa ka naxsatay Manchester City iyagoo daqiiqadii 7-aadba dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Samie-Szmodics kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-0.
Laakiinse Manchester City ayaa daqiiqadii 12-aadba soo laabatay waxana u dhaliyay Haaland kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-1.
Xiddiga khadka dhexe ee De Bruyne ayaa daqiiqadii 14-aad dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta waxaana uu ka dhigay 2-1.
Xiddiga Haaland ayaa daqiiqadii 16-aad dhaliyay goolka 3-aad waxaana uu ciyaarta ka dhigay 3-1 ay kooxdiisu ku hogaaminayso.
Waxaa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo Man City wax walba ku fiicnayd.
Daqiiqadii 88-aad ee qaybta dambe ayuu Weeraryahanka Man city ee Haaland dhamaystirtay saddexleydii waxaana uu ciyaarta ka dhigay 4-1.
Waxay ciyaartu ku dhamaatay 4-1 ay Manchester City ku gaartay guusheedii 2-aad oo xiriir ah.