Manchester City Oo La Wareegtay Hogaanka Premier League Wadada Guulaha Ne ku So Noqotay. 

0

Manchester City ayaa la wareegtay hogaanka Premier League ka dib markii ay laba gool iyo gool ku suuldaareen kooxda Brighton kulan xiiso lahaa oo ka dhacay Etihad Stadium.

Laba gool oo qaybtii hore ay kala dhaliyeen Julian Alvarez iyo Erling Haaland ayaa Man City kusoo celiyey jidka guusha ee horyaalka Premier League iyadoo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay ka badiyeen kooxaha Arsenal iyo Wovles.

Brighton ayaa iska lumisay fursado badan oo ay ku dili karaysay Manchester City qaybtii dambe, waxaana fursaddii ugu fiicnayd ka khasaariyey Mitoma oo goolhayaha kula so baxay kubbad uu kaligii ahaa, taas oo laga badbaadiyey.

Daqiiqaddii 7-aad ee bilowga ciyaarta ayaa kubbad uu Jeremy Doku kasoo dhigay dhinaca bidix waxa xerada ganaaxa ka helay Julian Alvarez oo lugta bidix ku dhamaystiray, halka daqiiqaddii 19-aad na uu Erling Haaland ka faa’iidaystay qalad ay sameeyeen difaaca Brighton  si fudud ayuuna ugu ciqaabay.

Ansu Fati ayaa dhaliyey goolka madiga ah ee Brighton dhamaadka ciyaarta oo ay ka hadhsan tahay 17-daqiiqadood, hase yeeshee Mitoma ayaa khasaariyey fursad ay ku barbareyn lahaayeen ciyaarta.

Manchester City ayaa si ku-meelgaadh ah ula wareegtay hoggaanka oo ay ku qabatay 21-dhibcood, waxaa na min hal dhibic dhaaftay Liverpool, Tottenham iyo Arsenal hase yeeshee Arsenal iyo Tottenham ayaa dhaafi doona haddii ay guuleystaan kulamadooda.

 

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *