Manchester City Oo Garoonka Old Trafford Ku Dhax Jiid-jiidday Man United iyo Haaland oo ku bashaalay.

0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa 3-0 ku burburisay Manchester United oo ay dhax jiidjiidday garoonka Old Trafford oo ay ku booqatay, halkaas oo Erling Haaland uu laba gool kusoo dhaliyey, isla markaana saddex dhibcood oo nadiif ah ay kasoo qaateen.

Manchester United ayay u ahayd habeen madoow oo ay ciyaartoydoodu awoodi waayeen xataa in ay is-difaacaan, kubadda la qaybsadaan amaba ay abuuraan fursado ay goolal u keeni karayaan, inkasta oo Rasmus Hojlund uu ka lumiyey kubaddii gool laga filan karaayay.

Erling Haaland ayaa rigoore ku furay ciyaarta kaddib qalad uu Rasmus Hojlund ku galay Rodri oo boobayay kubbad laad xor ahayd oo lasoo tuuray, waxaana rikoodhahaas gool u beddelay Haaland oo dhinaca qaldan u diray goolhaaye Onana.

Manchester City ayaa u qalmeysay inay ugu yaraan saddex gool dhaliso qaybta hore, laakiin United ayaa waxay nasiib ku lahayd in uu caawa u dheelayey goolhaye Andre Onana oo badbaadiyey in ka badan lix kubbadood oo goolal caddaan ah noqon lahaa.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *