Manchester City Oo Garaacday Young Boys, PSG Oo xasuuq u geysatay Ac Milan & Natiijooyinka Kulamadii Champions League.

0

Kooxda Manchester City ayaa garaacday kooxda Young Boys kulan ka tirsanaa champions League.

Manchester  City ayaa kala kulantay kooxda Young Boys cadaadis iyo iska caabin aad u adag.

Kooxda Pep Guardiola ayaa maamulaysay ciyaarta laakiin waxa ay ku dhibaatootay in ay jabiyaan daafaca Young Boys.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah iyada oo aanay labada kooxood wax gool ah iska dhalinin.

Labada kooxood ayaa qaybtii dambe ku bilowday si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay wax ka badalaan ciyaarta.

Daqiiqadii 48-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxaana udhaliay Akanji oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1-0.

Laakiin kooxda Young Boys ayaan wakhti badan ku qaadan in ay soo laabato waxana ay daqiiqadii 52-aadba dhaliyeen goolka bar-baraha waxana u dhaliyay Meschak Elia kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-1.

Daqiiqadii 67-aad ayay Man City ayaa dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Erling Haaland kaas oo gool u badalay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa.

Xiddiga Haaland ayaa mar kale soo laabtay daqiiqadii 85-aad waxana uu dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 3-1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City gaartay guushii 3-aad oo xidhiidh ah wareega Group-yada tartanka Champions League.

 Dhinaca kale kooxda PSG ayaa xasuuqday Ac Milan xilli ay kaga badiyeen 3-0 kulan dhinac kaliya ahaa.

Isla Group-ka kooxda Dortmund ayaa ka badisay kooxda Newcastle kulan xiiso lahaa oo ay labada kooxood dirqi ku kala bexeen.

Celtic 2-2 Atletico Madrid

Antwerp 1- 4 Porto

RB Leipzig 3-1 Red Star

 

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *