Manchester City Oo Garaacday Brentford Iyo Liverpool Oo Guuldaro Lama Filaan Ah La Kulanta.

0

Kooxda kubada cagta ee Man City ayaa guul soo laabasho leh ka gaartay kooxda Brentford kulan ka tirsanaa Horyaalka premier League.

Brentford ayaa ka naxsatay Manchester City waxana ay daqiiqadii 1-aadba ka dhaliyeen goolka 1-aad ee ciyaarta.

Waxaa Goolka Brentford u dhaliyay xiddiga Y.Wissa kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-0.

Manchester City ayaa bilowday inay raadiso goolka bar-baraha iyagoo si joogto ah u samaynayay fursadaha.

Daqiiqadii 19aad ayay Man City dhalisay goolka dhalisay waxana u dhaliyay xiddiga Haaland kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-1.

Manchester City ayaa sii waday dadaalada si ay u dhaliyaan goolal kale.

Daqiiqadii 32aad ayuu E. Haaland dhamaystiray soo laabashada waxana uu dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 2=1.

Waxaa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Manchester City guul soo laabasho leh ka gaartay Brentford.

Dhanka kale waxaa guuldaro lama filaan ah dhabarka loo saariyey kooxda Liverpool.

Kooxda Nottingham Forest ayaa Anfield ku garaacday Liverpool iyagoo guul 1-0 ah ka gaaray kulan ka tirsanaa Horyaalka premier League.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *