Man United Oo Guul Qaali Ah Ka Gaartay Aston Villa.

0

Kooxda Man United ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay Aston Villa kulan ka tirsanaa premier League kana dhacay Villa Park.

Kulanka ayaa ahaa mid isku dheeli tiran iyada oo ay koox walbo doonaysay in ay badiso.

Manchester United ayaa daqiiqadii 17-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga goolka laga celin laayahay kulamadii ugu dambeeyay ee Rasmus Hojlund kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kooxda Aston Villa ayaa isku dayday in ay ciyaarta ku soo laabato iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore iyada oo United hogaaminayso ciyaarta.

Qaybta dambe ayay Aston Villa si dar-dar leh ku bilaabatay waxana ay doonayeen in ay dhaliyaan goolka bar-baraha.

Daqiiqadii 67-aad ayay Aston Villa dhalisay goolka bar-baraha ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Douglas Luiz kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-1.

Laakiin United ayaa daqiiqadii 86-aadba dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaiyay xiddiga Scott McTominay kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United gaartay guul muhiim u ah horyaalka premier League.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *