Man United Oo Garaacday Southampton & Hag Oo Cadaadisku Ka Yaraaday.

0

Kooxda kubada cagta ee  Man United ayaa ku soo laabatay wadada guulaha iyaga oo garaacay kooxda Southampton kulan ka tirsanaa premier League.

Ciyaarta ayaa ahayd mid uu Ten Hag cadaadis weyn dareemayay kuna qasbanaa in uu guul ku hogaamiyo kooxdiisa.

Southampton ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaara iyaga oo ka awood badnaa kooxda Man United.

Southampton ayaa xitaa heshay rikoodhe daqiiqadii 33-aad ee ciyaarta waxana si cajiib ah u badbaadiyay Goolhaye A.Onana.

Kooxda Man United ayaa ka fal celisay rikoodhada ay Southampton khasaarisay waxana ay daqiiqadii 35-aadba dhaliyeen goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay daafaca M. de ligt.

Ka hor inta ayna qaybta hore ee ciyaartu dhamaan daqiiqadii 41-aad ayay kooxda Man United dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay Marcus Rashford.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Manchester United ka taqalustay Southampton daqiiqadihii ugu dambeeyay.

Qaybtii dambe ayaa iska ahayd mid ay Manchester United ciyaarta maamulayso isla markaas ka awood badantahay Southampton.

Daqiiqadii 79aad ayaa Southamton kaadhka cas looga daafaca xiddiga Jack Stephens kaas oo kooxdiisa kaga tagay 10 xiddig.

Man United ayaa daqiiqadii 90+6aad dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Alejandro Garnacho kaas oo ciyaarta ka dhigay 3-0.

Waxaa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Manchester United guul muhiim ah ka gaadhay kooxda Southampton.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *