Man City oo Guul qaraar kala kulantay Wolves,

0

Kooxda Wolves ayaa guul 2/1 ah ka gaartay Manchester City oo marti ugu aheyd kulan ka tirsan wareegga 7-aad ee horyaalka premier league.

Naadiga Wolves ayaa nasiinada ugu dirtay Manchester City gool  uu  si qaldan isaga dhaliyay xiddiga Ruben Dias  daqiiqadii 13aad

Kooxda garoonka iska leh waxay ku wacnaayeen rogaal celiska iyagoo ka weerarayay dhanka garabka middig

Kooxda City inkasta oo kubadda maamulkeeda ku sareeyeen mararka qaarna gaarayeen %69 hadana ma jirrin fursado ay abuurayeen

Kooxda Wolves waxay ku fiicanaayeen kubad soo ceshada ah , daafac ahaanna waa ay isu dhaawayeen.

Sidaasoo ay tahay man City waa laga filan karay goolal marka la eego in kubadda cagtooda ku badaneyd balse waxay ka sheganayeen mararka qaar inay ku yareyd dhismaha baasaska gaagaaban.

Qeybtii Soo laabashada , Wolves waxaay ku dhiiranayeen in ay weeraraan City kuwaas oo dhankooda laga dareemayaa inay ku adag tahay in kubadda si sax ah u soo dhaqaajiyaan.

Sidaasoo ay tahay City ma niyad jabin isku dayana waa sameynayeen illaa ay keeneen goolka bar bar dhaca daqiiqadii 58aad waxaana shabaqa dhigay Alavarez.

Kadib goolkaas , cadaadis ayay bilaabeen kooxda Pep waxayna u dhawaanayeen gool labaad balse daqiiqadii 65aad waxaa si cajiib ah uga badbaadiyay goolhayaha Wolves

Naadiga Wolves waxay ku wacnaayeen kubadaha baxsadka ee rogaal celiska ah iyagoo ka faa’ideysanayay daafaca City oo si ka badbadis ah banaanka ugu soo baxayay waxayna ku heleen gool labaad daqiiqaddii 66aad , waxaana xusid mudan in tababare Pep kulankaan ka hagayay kuraasta sare .

Dhamaadkii City kubadda waa ku sareeyeen balse kooxda Wolves daafac darbi ah ayay sameysteen iyada oo wiilasha Pep dagaal ugu jireen in ay helaa meel ay kubadda shabaqa u marsiiyaan .

Xddigaja City waxaa laga dareemayay daal inkasta oo dagaal ugu jireen goolka bar bar dhaca balse Wolves aad  ayay u foojignaayeen , waxa aana xusid mudan in  ciyaarta ku dhamaatay 2/1 oo ay City guul darro ku qaabishay.

Taasi ayaa ka dhigan citay in ay la kulantay guul daradii ugu horeysay horyaalka premier league

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *