Man City Ayaa Garaacday West Ham, Xilli uu Haaland Markale Seddexleey Dhaliyay

0

Xiddiga reer Norway iyo Kooxda Man city ee Erling Haaland ayaa sii wata qaab ciyaareedkiisii ​​wacnaa ee uu ku bilowday xilli ciyaareedkaan isagoo seddexleey goolal kale uu dhaliyay, xilli kooxda difaacanaysa horyaalka ee Man City ay garaacday kooxda West Ham United kulan ka dhacay garoonka London Stadium.

Haaland ayaa labo gool dhaliyay qeybtii hore ee kulanka,waxana uu ku daray gool seddexaad dhamaadkii ciyaarta,waxaana uu dhaliyay 7 gool seddexdii kulan ee uu ciyaaray,waxaana uu u sahlay in Man City ay 100% ku bilaabatay ololahan.

E. Haaland ayaa daqiiqadii 10aad ee ciyaarta goolka daah furay, ka dib markii uu baas ka helay Bernardo Silva, laakiin West Ham ayaa barbardhac la timid markii Ruben-Dias uu iska dhaliyay kubad uu soo karoosay Jarrod Bowen.

Ciyayahanka reer Norway ee Haaland ayaa hoggaanka City u soo celiyay bartamihii qeybta hore ee ciyaarta, isaga oo kubad xoogan ku dhaliyay saqafka sare ee shabaqa.

Kooxda lagu naaneyso ee Hammers ayaa ku dhibtoonaysay inay ciyaarta soo laabtaan, laakiinse Mohammed-Kudus ayaa ku dhawaaday in uu gool dhaliyo.

Haaland ayaa dhamaadkii ciyaartay dhameystiray seddexleeydiisa ee kulanka ka dhalioyo.

Guushaan ayaa la macno ah in ay kooxda Pep Guardiola hoggaanka horyaalka hayso bilawgii xilli ciyaareedkaan halka kooxda West Ham ay ku jirto kaalinta 13aad iyaga oo leh saddex dhibcood saddex kulan oo ay ciyaareen Horyaalka.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *