Liverpool Oo Xasuuq U Geysatay Nottingham Forest Xilli Ay Ka Murugaysnaayeen Ciyaartoydeedu

0

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa soo gashay kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League si ku meel gaar ah, kaddib guul raaxo leh oo ay ka gaadheen Nottingham Forest oo ay 3-0 ku burburiyeen kulan ka dhacay garoonka Anfield.

Ciyaartan oo ku bilaabatay jawi murugo oo ay jamaahiirta Liverpool iyo ciyaartoydeeduba ku jireen maadaama ay xanuunka la qaybsanayeen Luis Diaz oo hooyadii iyo aabbihii lagu afduubtay waddanka Colombia.

Saddex gool oo ay kala dhaliyeen saddexda weeraryahan ee Liverpool Darwin Nunez, Diogo Jota iyo Mohamed Salah ayaa Liverpool siiyey guushan.

Liverpool oo si deggen ku bilaabatay ciyaartan ayaa weerarro is-daba joog ah ku bilaabatay ciyaarta waxa hoggaanka u dhiibay Diogo Jota daqiiqaddii 31-aad, kaddib markii uu xerada ganaaxa ka helay kubbad uu goolka ku toogtay Darwin Nunez oo uu goolhayaha soo celiyey, taas oo uu hal taabasho ku dhamaystiray.

Afar daqiiqadood kaddib ayay Liverpool sii dheeraysatay hoggaanka, waxaana u dhaliyey goolka labaad Darwin Nunez oo goolka ku leexiyey kubbad uu dhinaca midig kasoo dhiibay Jota oo isagana marka hore uu usii dhiibay Mohamed Salah, iyadoo qaybta horena kusoo dhamaatay 2-0 ay hoggaanka la nasatay Liverpool.

Mohamed Salah ayaa diiday inuu qatani kaga baxo garoonka, waxaana uu shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 77-aad.

Natiijadan ayaa ka dhigan, in Liverpool ay soo gashay kaalinta saddexaad oo ay haysato 23-dhibcood, waxaanay saddex dhibcood ka dambeeyaan Tottenham oo hoggaanka haysa iyo Arsenal oo 24 dhibcood leh, laakiin Man City ayaa haddii ay ka badiso Man United waxay booska afraad u ridi doontaa Liverpool.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *