Liverpool Oo La Wareegtay Hoggaanka Horyaalka Premier League Kaddib Markii Ay Guul Waqti Dambe Ah Ka Gaadheen Crystal Palace.

0

Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ay ugu dambaysay muddo sannad iyo dheeraad ah, waxaana ay figta sare ee miiska kala-sarraynta Premier League ku fadhiisteen guul soo laabasho ah oo ay ka so gaadheen Cristal Palace.

Laba gool oo ay qaybtii dambe ay kala dhaliyeen Mohamed Salah iyo Harvey Elliot ayaa Liverpool siisay guul ay si adag ugu dagaallantay, iyagoo meesha ka saaray gool rigoore ahaa oo ay Crystal Palace kala hormartay.

Ciyaar la isku rafaaday oo ka dhacday garoonka Selhurst Park ayay Liverpool awoodday inay ka hesho saddex dhibcood oo muhiim ah, waxaanay hoggaanka kala-wareegtay Arsenal oo fiidka hore caawa marti u noqon doonta Aston Villa.

Daqiiqaddii 56-aad ayaa Liverpool lagu dhigay rikoodhe markii uu da’yarka Jarrot Quansah uu qalad ku galay Mateta, waxaana rikoodhahan markiiba dhigay garsooraha oo aan u baahanin inuu VAR kasoo hubiyo, iyadoo Mateta uu gool u beddelay daqiiqaddii 57-aad.

Liverpool ayaa goolka barbarraha keentay dhamaadka ciyaarta oo ay 14-daqiiqadodo ka dhineed, waxaana kubbad ay difaaca Crystal Palace iska saari kari waayeen xerada ganaaxa ka helay Jones oo u dhiibay Salah oo isaguna lugta bidix ku dhamaystiray.

Harvey Elliott ayaa noqday geesiga Reds ee saddexda dhibcood u go’aamiyey, sidoo kalena u dhiibay hoggaanka horyaalka Premier League.

Kubbad uu kala soo galay dhinaca midig ayuu kula soo dhowaaday xerada ganaaxa, kaddibna waxa uu ku toogtay darbad xooggan oo uu ku hubsaday shabaqa Palace daqiiqaddii 91-aad.

Ciyaarta oo lagu daray 10-daqiiqadood oo dheeraad ah, ayaa ay Liverpool keensatay gool saddexaad oo uu dhaliyey Luiz Diaz balse waa laga diiday.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Liverpool ay yeelatay 37-dhibcood, halka Arsenal oo fiidka la ciyaari doonta Aston Villa ay u dhacday kaalinta labaad ayadoo haysato 36-dhibcood.

 

 

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *