Liverpool Oo Heshay Weeraryahan Dhamaystiran Oo Caawinaya Mo Salah Iyo Nunez

0

Kooxda Liverpool ayaa heshay weeraryahan dhamaystiran oo si fiican uga caawinaya M. Salah iyo D. Nunez in ay kusoo laabtaan qaab ciyaareedkooda ugu fiican kadib markay xilli ciyaareedkii hore ku dhibaatoodeen Anfield oo ay kooxdooduna kaalinta shanaad kaga dhamaysatay horyaalka Premier League.

Tababare Klopp oo ay kooxdiisu la ciyaari doonto Manchester City marka laga soo noqdo kulamada caalamiga ah, ayaa waxay hal dhibic kaliya ka dambeeyaan City, iyaga oo haddii ay guuleystaan awoodi doona in ay hoggaanka Premier League la wareegaan.

Siduu qoray wargeyska Liverpool Echo, Liverpool ayaa waxay sidii saxeex cusub oo ah weeraryahan dhamaystiran ay ula dhaqmaysaa D. Jota oo kusoo laabtay heerkiisii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkaan, isagoo kusoo bilowday toddoba ka mid ah 12 ciyaarood oo ay kooxdiisu dheeshay horyaalka Premier League.

Kulankii Brentford ayaa waxa uu Diogo Jota dhaliyey goolkiisii siddeedaad ee xilli-ciyaareedkaan socda uu u saxeexo Liverpool, waxaana marka la eego daqiiqadaha uu ciyaaray iyo goolasha uu dhaliyey kaliya ka fiican Mohamed Salah.

Laacibka reer Portugal ayaa ka dheeli karaya boosaska weerarka oo dhan, ayaa ay ka muuqataa inuu u diyaarsan yahay in uu la tartamo Gakpo, Diaz iyo Nunez, sidoo kalena waxay isfaham wanaagsan leeyihiin Mohamed Salah oo uu ka furanayo culayska.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *