Liverpool Oo Guul xili danbe Ah Ka Gaadhay Fulham.

0

Kooxda Liverpool ayaa guul soo daahdayy ka gaartay Fulham kulan waali ahaa oo ka dhacay Anfield Stadium.

Kulankan ayaa ahaa mid goolasha sida daadka loo dhaliyay labada kooxoodna si cajiib ah u ciyaareen.

Liverpool ayaa bilowday goolasha waxana laad xor ah udhaliyay xiddiga Trent Alexander-Arnold kaas oo daqiiqadii 20 ee ciyaarta hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Laakiin Fulham ayaa 4 daqiiqo kadib dhalisay goolka barbaraha waxana u dhaliyay xiddiga Harry Wilson kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-1.

Kooxda Liverpool ayaa mar kale daqiiqadii 38-aad dhalisay goolka 2-aad waxana gool qurux badan u dhaliyay Alexis Mac Allister kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-1.

Si kasta ha ahaatee Fulham ayaa daqiiqadii 45+3-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Kenny Tete kaas oo ciyaarta ka dhigay mar kale barbaro 2-2.

Kooxda Fulham daqiiqadii 80-aad dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay Cordova-Reid kaas oo ciyaarta ka dhigay 3-2 ay Fulham ku hogaaminayso.

Kooxda Liverpool ayaa daqiiqadii 87-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Wataru Endo kaas oo ciyaarta ka dhigay 3-3.

Daqiiqadii 88-aad ayay Liverpool soo xidhay goolasha waxana goolka 4-aad u dhaliyay xiddiga Trent Alexander-Arnold kaas oo ciyaarta ka dhigay 4-3 ay kooxdiisa guushu ku raacday.

 

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *