Liverpool oo guul weyn oo soo laabasho ah gaartay, xilli

0

Naadiga kubadda cagta Liverpool ayaa gaartay guul weyn oo soo laabasho ah iyada oo kasoo gaartay Wolves oo ay ku booqatay Molineux Stadium, waxa aanay kaga soo adkaatay 3-1.

Wolves ayaa la hormartay goal uu daqiiqaddii 7-aad u dhaliyey HeeChan Hwang, hase-yeeshee waxa ka daba timid Liverpool oo qaybtii labaad dhalisay saddex goal oo mid ka mid ah ay difaaca Wolves uu iska dhaliyey.

Ciyaarta labadii qaybood ugu qaybsanayd labada kooxood ayay Brighton ka faa’iidaysan weyday fursado tiro badnaa oo ay heshay 45-kii daqiiqadood ee ay ciyaarta maamulaysay oo ay kaliya dhalisay hal goal, darsin fursado ah oo kalena ay iska khasaarisay, laakiinse Liverpool ayaa waxa ay qaybta ambe oo ay ciyaartu gacanteeda ku jirtay ay la saaxiibtay goosha Wolves.

Ciyaaryahanka Pedro Neto ayaa soo dumiyey dhinaca midig ee difaaca Liverpool, waxa aana uu kubadda hordhigay goolka taas oo keentay in HeeChan Hwang uu shabaqa ku leexiyo, iyadoo goolhaye Alisson Becker uu la galay goolka oo ay isaga iyo kubadduba wada-dhasheen.

Wuxuu nasiibku dhawr jeer diiday weeraryahanka reer Brazil ee Mathius Cunha oo kubadda ku soo burburiyey dhawr jeer difaaca Liverpool balse uu nasiibku diiday.

Kooxda Liverpool ayaa qaybta labaad markii lagu soo laabtay waxa ay la wareegtay ciyaarta iyada oo uu tababare Jurgen Klopp markii lagu soo noqonayay garoonka soo raaciyey Luis Diaz oo beddelay Mac-Allister oo aad u liitay.

Garabka duuka ee weerarka Colombia ayaa firfircooni badan ku soo kordhiyey Liverpool, waxa aana dib u fadhiistay difaacii Wolves ee soo guurayay iyada oo Jones uu usoo degay dhaxda dambe ee difaaca waardiyeenaysa.

10 daqiiqadood markii ay socotay qaybta labaad ayuu Gakpo goolka barbarraha u keenay Liverpool ka ddib kubbad uu ka helay Mohamed Salah oo caawiye ka ahaa saddexda goal ee ay kooxdiisu dhalisayba.

Iyada oo aanu dabbaal-degguba dhamaanin ayaa uu Klopp saaray weeraryahanka reer Netherlands ee Gakpo, waxa aana uu sidoo kale saaray Diogo Jota isagoo isa soo raaciyey Darwin Nunez iyo Harvey Elliott oo si dhab ah u beddelay ciyaarta.

Dhamaadka dheesha oo ay shan daqiiqadood ka hadhsan tahay ayaa kubbad uu soo laaday goolhayaha Wolves ee Jose Sa waxaa bartamaha garoonka ka soo qaatay Andy Robertson oo si deg-deg ah ugu dhiibay Salah oo garabka midig taagnaa, waxa aana uu xiddiga Masar kubadda usii dhiibay Andy Robertson oo orod ku galay xariiqadda ganaaxa ayaa goolka ku hubsaday shabaqa.

Kooxda Liverpool ma aanay joojinin weerarka, waxa aanay la yimaaddeen gool saddexaad oo ay kooxdu uga mahad celisay Harvey Elliott oo kubbad uu ka helay Mohamed Salah darbad kulul ku qabtay, taas oo kusii dhacday difaaca Wolves ee Hugo Bueno oo goalkiisa kusii leexiyey, sidaas ayeyna ciyaartu ku noqotay 3-1.

Kooxda Liverpool ayaa iska Qasaarisay fursado kale gaar ahaan Darwin Nunez, Mohamed Salah iyo Luis Diaz oo sii dheerayn karaayay goolasha kooxdooda.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *