Liverpool Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Ac Milan, Bayern Munich oo xasuuq geysatay & Real Madrid Oo Garaacday Stuttgart

Kooxda kubada cagta ee Liverpool ayaa guul weyn ka gaartay kooxda Ac Milan kulan ka tirsanaa champions League.
Kooxda Ac Milan ayaa wakhti hore ka naxsatay Liverpool waxana ay daqiiqadii 3-aadba ka dhaliyeen gool uu u dhaliyay xiddiga Pulisic.
Kooxda Liverpool ayaa bilowday in ay raadiso bar-baraha iyagoo la wareegay maamulista ciyaarta.
Daqiiqadii 23-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Ibrahima Konate kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-1.
Liverpool ayaa ahayd kooxda fiican waxaana ay sameeyeen fursado aan kala joogsi lahayn.
Daqiiqadii 41-aad ayay kooxda Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Virgil-Van Dijk kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-1 ay kooxdiisu ku hogaaminayso.
Kooxda Reds ayaa iska khasaarisay fursado badan oo ay ku dhalin kartay goolal xilli ay Ac Milan ku dhibaatoonaysay in ay weeraro qaado.
Daqiiqadii 67-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay daafaca Dominik Szoboslai kaas oo ciyaarta ka dhigay 3-1.
Waxaa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool guul soo laabasho elh ka gaadhay kooxda Ac Milan.
Dhinaca kale Kooxda Real Madrid ayaa guul ku bilaabatay champions League iyaga oo 3-1 kaga badiyay kooxda Stuttgart.
Xiddiga Mbappe ayaa dhaliyay goolka 1-aad ee kooxdiisa daqiiqadii 46-aad waxaana uu hogaanka ciyaarta u dhiibay kooxdiisa.
Laakiinse Stuttgart ayaa daqiiqadii 68-aad iska soo baday goolka waxana bar-baraha u dhaliyay Denis Undav kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-1.
Daafaca Antonio Rudiger ayaa kooxdiisa Real Madrid daqiiqadii 83-aad u dhaliyay goolka 2-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 2-1.
Da’yarka ee Endrick ayaa daqiiqadii 90+5-aad dhaliyay goolka 3-aad kooxda Real Madrid isagoo kooxdiisa ku hogaamiyay guul weyn, sidaasina ku badisay 3-1
Halka Kooxda Bayern Munich ay Xasuuqday Kooxda Dinamo Zagreb, kaga Badisay 9-2. Harry Kane ayaana 5 Goal dhaliyey.