Liverpool Oo Dib Usoo Ceshatay Hoggaankeda Premier League Oo Waqti Kooban Ay Haysatay Man City

0

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dib usoo ceshatay hoggaankeda horyaalka  Premier League oo ay saacado kooban kala wareegtay Man City, waxaana tababare Jurgen Klopp iyo xiddigihiisu ay booskooda dib ugu soo ceshadeen guul 3-1ah oo ay ka gaadheen Burnley oo marti ugu ahayd Anfield.

Saddex gool oo ay kala dhaliyeen Diogo Jota, Luis Diaz iyo Darwin Nunez ayaa ku filnatay Liverpool oo ciyaarta ku bilaabatay iyadoo kaalinta labaad ku jirta oo hoggaanka ay kala wareegtay City oo waqti hore oo galabta ah soo garaacday Everton.

Reds ayaa guusheeda uga mahad-celinaysa da’yarkeeda Harvey Elliott oo beddel kusoo galay qaybta labaad, halka Burnley ay canaananayso David Fofana oo ka lumiyey fursado dahabi ahaa oo uu waqti hore ku dili karayey ciyaarta isla markaana guusha ugu dhoweyn lahaa kooxdiisa.

Daqiiqaddii 31-aad ayay Liverpool la timid goolka koowaad, waxaana koorne ay soo tuurteen madax ku qabtay Diogo Jota, halkaas oo ay Reds ku samaysay dabbaal-deg weyn.

Laakiin ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada ayay Burnley keentay gool uu madax ugu dhaliyey Dara O’Shea oo meel fog madax kaga soo dhuftay kubbad koorne ahayd taas oo si toos ah u gashay goolka Liverpool ee uu waardiyaha ka ahaa Caoimhín Kelleher.

Kubbad uu dhinaca midig kala soo galay Harvey Elliott ayuu xerada ganaaxa kusoo tuuray, waxaana goolka ku leexiyey Luis Diaz oo isku tuuray kubadda, sidaasna hoggaanka ugu soo celiyey kooxdiisa.

Dhamaadka ciyaarta oo ay 11-daqiiqadood ka hadhsan tahay ayuu Harvey Elliott mar kale kubbad kasoo dhiibay dhinaca midig, waxaana uu madaxa u saaray Darwin Nunez oo ciyaarta ka dhigay 3-1.

Liverpool ayaa heshay fursad ay kusii badsan karaysay dhalinta goolasha, waxaana kubbad goolka la hortegay Darwin Nunez oo ku beegay goolhayaha, halka Jota iyo Mac Allister ay khasaariyeen fursado dahabi ahaa.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Liverpool ay kusoo laabatay hoggaanka horyaalka oo ay yeelatay 54-dhibcood, waxaanay laba dhibcood ka horreysaa Manchester City oo haysata 52-dhibcood laakiin ay ciyaar baaqi u tahay.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *