Liverpool Oo Dhulka ku jiid-jiiday Man United Iyo Mohamed Salah Oo Wacdarihiisii Sii Wada.

0

Kooxda kubada cagta ee Liverpool ayaa dhulka ku jiid jiiday kooxda  Man United kulan ka tirsanaa premier League.

Ciyaarta ayaa ku bilowday si dar-dar leh iyada oo Man United bilowday inay halis galiso Liverpool.

Daqiiqadii 8aad ayay Liverpool dhalisay gool laakiinse goolka ayaa la diiday sabab la xiriirta Offside.

Kooxda Liverpool ayaa daqiiqadii 33aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Luis Diaz kaas oo baas ka helay Mohamed Salah isagoo ciyaarta ka dhigay 1-0.

Kooxda Tababare Slot ayaa sii waday cadaadiska iyo weerarada ay ku qaadayso Manchester United si ay u helaan goolal kale.

Ciyaaryahanka reer masar ee Mohamed Salah oo ahaa xiddiga garoonka ayaa mar kale baas cajiib ah u dhiibay xiddiga Luis Diaz kaas oo daqiiqadii 42-aad gool u badalay fursadaas ciyaartana ka dhigay 2-0 ay Liverpool ku hogaaminayso.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Liverpool ahayd kooxda fiican, Halka Ma United garoonka isakaga jirtay.

Qaybta dambe ayay Liverpool si dar-dar leh ku bilaabatay iyagoo cadaadis xoogan saaray kooxda Man United.

Daqiiqadii 56aad ayuu Salah dhamaystiray qaab ciyaareedkiisa fiican waxaana uu dhaliyay goolka 3-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 3-0.

Kooxda Liverpool ayaa heshay fursado badan oo ay ku dhalin kartay goolal kale laakiinse umay suurtaglin in ay goolal dhaliyaan.

Waxaa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool gaartay guul weyn kana gaartay kooxda Man United.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *