Liverpool Oo Badalka Mohamed Salah Heshay, Xitaa In Ay Bangiga U Jabiso Diyaar Ayay U Tahay?

0

Liverpool ayaa bartilmaameedkeeda ugu sareeya ka dhigtay Leroy Sane si ay ugu buuxiso booska Mohamed Salah sida ay sheegayaan wararku.

Salah ayaa xiiso ka helay horyaalka sucuudiga suuqii xagaagan laakiin Reds ayaa diiday dhamaan dalabyadii u yimid xiddiga reer Masar.

Waxaa la rumaysanyahay in ay Liverpool diiday dalab 150-milyan ah oo ay kooxda Al-Ittihad ku doonaysay saxiixa xiddiga reer Masar.

Sida laga so xigtay wargeeska The Mirror, Liverpool ayaa filaysa in ay lumiso Mohamed Salah dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo xiisaha sucuudigu sii xoogaysanayo.

Sidaas darteed Liverpool ayaa haatan si diyaarinaysa badalka suurtagalka ah ee Xiddiga 31-jirka ah.

Wararka ayaa sheegaya xitaa in Liverpool diyaar u tahay in ay jabiso rikoodhkeeda suuqa kala iibsiga oo ahaa 85-milyan oo ay kula soo saxiixatay Darwin Nunez si ay ula soo saxiixato Sane xagaaga dambe

 

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *