Kylian Mbappe Oo Xalay Barbarreeyey Rikoodhkii Weyna ee Gool-dhalinta Ee Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi

0

Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa xalay barbarreeyey rikoodhkii gool-dhalinta ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi kaddib markii uu shabaqa soo taabtay ciyaartii xalay guul-darrada kala kulmeen dhigoda Nice.

Mbappe ayaa waqti horeba soo jabiyay tiro rikoodho u yaallay ubadda cagta ah, sababtoo ah da’diisa yar iyo in uu waqti horeba ka mid noqday xiddigaha waaweyn ee kubadda cagta oo uu 17 jir isku-baray adduunyada.

24-jirkaan ayaa wali taagan tahay xiisadda la xiriirta mustaqbalkiisa maadaama uu xagaaga ku egyahay qandaraaskiisa PSG, illaa haddana aan xal loo helin, ayaa wuxuu illaa hadda dhaliyey 5 goal oo Ligue 1 ah isagoo waliba maqnaay ciyaartii Lorient ee furitaanka Ligue 1.

Mbappe oo kasoo bogsaday jug kasoo gaadhay ciyaartii xulka qarankiisa France uu dhibcaha kaga qaatay Republic of Ireland ee isreeb-reebka Euro 2024, kaas oo sababay inuu ka maqnaado ciyaartii saaxiibtinimo ee xulka Germany, ayaa wuxuu shabaqa soo taabtay dhamaan kulamadii horyaalka ee uu u saftay kooxdiisa xilli-ciyaareedkaan.

Jimcihii ayay PSG guul-darro 3-2 ah kala kulantay Nice, laakiin Mbappe ayaa shabaqa soo taabtay, waxaana uu sidaas ku barbarreeyey rikoodh khaas u ahaa Ronaldo iyo Messi.

Laacibkaan ayaa toban iyo shan kulan oo xiriir ah Ligue 1 ka u saftay PSG waxa uu dhaliyey goolal ama caawiyey, kuwaas oo kasoo bilowday bishii April ee xilli-ciyaareedkii hore.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *