Kooxda Real Madrid Oo Garaacday Atalanta Kuna Guulaystay UEFA Super-Cup & Mbappe Oo Furtay Akoonkiiisa Goolasha Kooxda.

0

Kooxda kubada cagta ee Real Madrid ayaa garaacday kooxda Atalanta kulan ka tirsanaa Tartanka UEFA Super Cup.

Naadiga Los Blancos ayaa kulanka soo gashay iyagoo doonaya inay ku guulaystaan koobka.

Laakiinse kooxda Atalanta ayaa kala hor timid iska caabin iyagoo ku dhibaatooday inay dhaafaan daafaca kooxda Atalanta.

Naadiga Atalanta ayaa xitaa marar badan halis galisay goolka kooxda Real Madrid iyagoo ku dhawaaday inay dhaliyaan goolka furitaan.

Labada kooxood ayaa ku kala baxay bar-baro gool la’aan ah 0-0 qaybta hore iyadoo aan waxba la kala dhalin.

Qaybta dambe ayay kooxda Real Madrid bilowday inay hurdada ka kacdo waxaana ay halis galinaysay goolka kooxda Atalanta.

Daqiiqadii 59aad ayay kooxda Real Madrid dhalisay goolka furitaanka waxaana u dhaliyay xiddiga qadka dhexe ee Fede Valverde kaasoo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Ciyaayahanka reer France ee Kylian Mbappe ayaa daqiiqadii 68aad dhaliyay goolka 2-aad waxaana u ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid guusha ku gaartay kuna guuleysatay Koobka UEFA SUPER CUP.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *