Kooxda Chelsea Oo Bar-Baro Niyad Jab Leh Kala Kulmay Crystal Palace

0

Kooxda kubada cagta ee Chelsea ayaa bar-baro niyad jab leh kala kulantay kooxda Crystal Palace kulan ka tirsanaa Horyaalka premier League.

Kooxda Blues ayaa kulanka soo gashay iyaga oo ku hubaysan kalsooni ay ka qaadeen natiijadii weynayd ee ay ka gaadheen Wolves todobaadkii hore.

Chelsea ayaa ahayd kooxda fiican iyaga oo maamulayay ciyaarta isla markaas ka xooganaa Naadiga Crystal Palace.

Daqiiqadii 25aad ayay Chelsea dhalisay goolka furitaanka waxana u dhaliyay xiddiga Nicolas-Jackson kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-0.

Waxa qaybtii hore ku dhamaatay 1-0 ay chelsea ku hogaaminayso ciyaarta isla markaas ahayd kooxda awooda badan.

Qaybtii dambe ayay kooxda Crystal Palace si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay ku soo laabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 53aad ayay kooxda Crystal Palace dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Eberechi Eze kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-1.

Waxaa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay kooxda chelsea bar baro niyad jab leh kala kulantay kulanka Galabta.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *