Kooxaha Man city iyo PSG oo guulo gaareen iyo Kulamada caawa laga ciyaaray Champions League

0

Naadiga kubadda cagta ee Manchester City aya guul iska jilcan oo aanay ku dhibaatoon ka gaartay kooxda reer Serbia ee Crvena Zvezda oo laba jeer shabaqeeda u ogolaatay ciyaaryahanka reer Argentina ee Julian Alvarez oo qaatay doorka hoggaaminta weerarka xili uu heli waayey gool Erling Haaland oo nasiibku u diiday fursadihii uu helay.

Naadiga Man City ayaa guul 3-1 ah ka gaartay Crvena Zvezda, waxa ay kasoo kabteen gool lagala hormaray qaybtii hore oo ay kooxda reer Serbia kaga naxisay Man City oo yareysi ka muuqanayey.

Ciyaaryahanka Julian Alvarez ayaa markii lagu soo noqday qaybta labaadna uu is-raaciyey laba gool oo daran doorri ah oo uu ciyaarta kaga dhigay 2-1, ka hor intii aanu xiddiga reer Spain ee Rodri oo muddooyinkan dambe lasoo baxay dardar ama gool dhalin aanu ku darin midka saddexaad.

Sidoo kale waxaa guul weyn gaartay PSG oo ciyaar aad u adkayd oo ay ku silceen ku qaabishay Borussia Dortmund, balse libinta u keenay xiddiga Kylian Mbappe oo gool dhalinta u furay qaybta labaad iyo Achraf Hakimi oo goolka labaad keenay, isla markaana xasuustay murugada ka taagan dalkiisa Morocco ee uu dhul gariirku ku dhuftay, iyada oo ciayartuna kusoo dhamaatay 2 – 0.

Naadiga Atletico Madrid ayaa xajisan weyday guul gacanteeda ku jirtay, kulan aad loogu dagaallamay oo ay marti ugu ahaayeen Lazio, waxa ayna waqti dambe ogolaadeen in ciyaartu noqoto 1 – 1 oo gool laga dhaliyo.

Ciyaaryahanka Pablo Barrios oo ay da’diisu tahay 20 jir ayaa hoggaanka u dhiibay Atletico Madrid qaybtii hore, hase-yeeshee daqiiqaddii 90+5 ayey Lazio keentay goolka barbarraha oo uu u dhaliyey goolhayahooda Ivan Provedel, waxa aanay ciyaartu kusoo dhamaatay 1-1.

Natiijooyinka kulamadii caawa ee Champions League oo dhamaystiran

Milan 0-0 Newcastle

Feyenord  2 – 0 Celtic

PSG 2 – 0 Borussia Dortmund

Man City 3-1 Red S. Belgrade

Barcelona 5-0 Antwerp

Young Boys 1-3 RB Leipzig

Lazio 1-2 A. Madrid

Shakhtar Donetsk 1 – 3 FC Porto

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *