Jude Bellingham Oo Burburiyey Barcelona, Hoggaankana Usoo Celiyey Real Madrid Ciyaar so laabasho leh.

0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa waqti dambe ah ka gaartay Barcelona oo ay ku garaacday 2-1, kulan uu laba jeer shabaqa soo taabtay Jude Bellingham oo qaybtii labaad dhaliyey laba gool, isla markaana saddex dhibcood oo muhiim ah u farta ka saaray koxdiisa Los Blancos.

Bellingham ayaa noqday xiddiga kooxdiisa Real Madrid ee guusha soo laabashada ah u keenay, iyadoo uu halkiisa kasii wato dhalinta goolasha.

Qalad difaac oo ay Real Madrid samaysay daqiiqaddii lixaad ayaa sababay in gool Ilkay Gundogan hoggaanka ugu dhiibay kooxda garoonkeeda joogtay, hase yeeshee Jude Bellingham ayaa kaga jawaabay gantaal uu meel fog ka soo toogtay, ka hor intii aanu helin goolka labaad oo uu kubadda ka dhax-saaray lugaha goolhaye Ter Stegan.

Kubbad uu si qaldan difaacyaahannada dhaxdooda u dhigay ayuu Ilkay Gundogan la hortegay goolhaye Kepa oo uu dhinac ka dhigay, waxaana uuna hoggaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqaddii 6-aad ee ciyaarta.

Real Madrid ayaa uu nasiibku la baxsaday daqiiqaddii 16-aad ee ciyaarta, markaas oo uu Fermin Lopez darbad uu toogtay ay birta ku dhacday, isaga oo kubaddana ka boobay Toni Kroos.

Bedello degdeg ahaa oo uu sameeyey Macalin Carlo Ancelotti ayaa Real Madrid siiyey awood ay ku maamulato ciyaarta qaybtii labaad, iyaga oo dhawr jeer kubadda bannaanka kaga garaacay goolka.

Daqiiqaddii 68-aad ayuu Jude Bellingham meel fog ka toogtay kubbad uu shabaqa ku hubsaday oo uu goolhaye Ter Stegen awoodi waayey in uu joojiyo, waxaana uu ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1.

 

Barcelona oo uu beddel ugu yimid Robert Lewandowski oo kasoo ka so laabtay dhaawac uu muddo u jiifay ayaa u dhowaatay inay mar kale hoggaanka qabato,

Waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta agu daray ayaa Real Madrid ay dhalisay goolka guusha oo uu u saxeexay Jude Bellingham oo xerada ganaaxa ka helay kubbad uu ka dhax-saaray lugaha Ter Stegen, sidaasna uu hoggaanka ugu dhiibay kooxdiisa.

Guushan ayaa waxey ka dhigan tahay in Real Madrid ay kusoo laabatay hoggaanka horyaalka Laliga oo ay kala wareegtay Girona oo si ku meelgaar ah u qabatay Jimcihii, waxaanay Los Blancos yeelatay 28-dhibcood iyadoo farqiga goolasha kaga horreysa kooxda Girona, halka Barcelona ay afar dhibcood ka dambayso.

 

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *