Harry Maguire Oo Guul Ku Hoggaamiyey Man United, Jude Bellingham Oo SADDEX Dhibcood U Keenay Madrid, Arsenal Oo Jidka Guusha Kusoo Laabatay Iyo Kulamadii Caawa Natiijooyinkoda

0

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa Guushii Ugu Horaysay Ka heshay Champions League xilli-ciyaareedkan, waxaana halyey u noqday Harry Maguire oo gool uu dhaliyey ay Red Devils kaga takhalustay FC Copenhagen oo marti ugu ahayd Old Trafford.

Ciyaar ay xiddigaha Man United fursado badan iska khasaariyeen oo uu in badan is-canaantay Rasmus Hojlund oo shabaqa la seegay dhawr kubbadood oo uu waqti horeba ku dili lahaa kooxdiisii hore ee ay walaaladiina u ciyaaraan, ayaa waxa culayska ka furtay Harry Maguire inkasta oo muddo canaan loo jeedinayay hadda dib ugu soo laabtay in loo aqoonsado geesiga Old Trafford.

Copenhagen waqti hore kaga nixisay Manchester United kubbad uu birta ugu garaacay Diogo Goncalves, hase yeeshee Andre Onana ayaa geesi noqday dhamaadkii madaama uu isaguna badbaadiyey rikoodhe lagu laaday oo halis gelin lahaa kooxdiisa.

Daqiiqaddii 72-aad ayaa Man United ay heshay goolka madiga ah oo uu u dhaliyey Harry Maguire oo raaciyay kubbad uu ka helay Christian Eriksen, taas oo ay si weyn ugu dabbaal-dageen jamaahiirta la murugeysanaa geerida Sir Bobby Charlton ee aamusnaanta kusoo galay garoonka Old Trafford.

FC Copenhagen ayaa loo dhigay rigoore daqiiqaddii 90+7 ee waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta, waxaana halyey noqday Onana oo badbaadiyey kubaddaas, kaddib waqti dheer oo canaan uu kusoo jiray.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Man United ay soo gashay kaalinta saddexaad ee GROUP A, waxaanay laba dhibcood ka dambaysaa Galatasaray, halka Bayern Munich oo hoggaanka haysa ay leedahay 9-dhibcood nadiif ah.

Dhinaca kale, Real Madrid ayaa sii wadata rikoodhkeeda guulaha Xidhiidhka ah ee Champions League, waxaanay 2-1 kusoo garaacday kooxda reer Portugal ee Braga.

Rodrygo iyo Jude Bellingham ayaa labadii qaybood ee ciyaarta kala dhaliyey labada gool, inkasta oo da’yarka Brazil ee Rodrygo ay nasiib-darro ku dhacday oo laga diiday gool kale oo uu dhaliyey.

Waxaa kale oo jidka guusha kusoo laabatay Arsenal oo 2-1 kaga adkaatay kooxda reer Spain ee Sevilla oo ay marti u ahayd, waxaanay libintani timid markii ciyaartii ugu dambaysay ee Gunners ee Champions League ay Lens kaga soo badisay 2-1.

Xiddigaha reer Brazil ee Gabriel Martinelli iyo Gabriel Jesus ayaa labada gool udhaliyay ay Arsenal guusha ku heshay, halka kubbad uu soo tuuray Rakitic uu gool u beddelay Gudelj oo uu Sevilla u noqday goolka sharafta.

Natiijooyinkii kulamadii Champions League ee caawa

Galatasaray 1-3 Bayern Munich

Inter Milan 2-1 RB Salzburg

Man Unied 1-0 FC Copenhagen

Sevilla 1-2 Arsenal

Sporting Braga 1-2 Real Madrid

Lens 1-1 PSV Eindhoven

Union Berlin 0-1 Napoli

Benfica 0-1 Real Sociedad

 

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *