Fariimo Jacayl oo Cusub (Qoraal)

0

Haddii ay jirto in qof binii’aadam ah baahi loo qabo, naftayda adiga ayey ku tabeysaa oo ay kugu qanacsan tahay,iyadoo aanan ka fekereyn culeysyada imaan kara mustaqbalka, waayo naftayda ayaa kuu dhego nugul, dhegaheyguna waxay maqlaan ereyadaada oo keliya ,indhaheyguna aragtidaada ayaa u daawo ah.

Waa ay igu adag tahay in aan saacado ku waayo, waxaana taas sabab u ah qalbiga oo aan u dulqaadan karin in uu iska kaa masaxo, intaan ku sugaayo waay igu adag tahay in aan joojiyo tirinta daqiiqadaha, waxaase iiga sii adag in aan ku waayo sababtoo ah xasuustayda iyo maskaxdayda ayaad meel adag ka deggan tahay, shalaaydu waa qeyb ka mid ah guul-darada laakin tartarka soo jiidashadaada waa u qalantaa qofku in uu wajaho guul-darrooyin badan.

Waan kuu riyaaqaa, waxaana tahay sababta aan u noolahay haddii aniga xageyga ay sidaas tahay ogoow meel ka mid ah dunida waxaa ku nool qof riyadiisu tahay dhoola-cadeyntaada, waan ku jeclahay in ka badan intaaan wadajirno waxaana heystaa wax walbo oo aan u baahanahay wadajoogeena, alcarabiya.com ,waxaad tahay rajadayda iyo dhamaan riyadeyda wax dhib malahan wax kasta oo nagu dhaco mustaqbalka wadajirkeenna ayaa waxwalba ka weyn marwalbana dhinacaaga ayaan taagnaan doonaa.

Jacaylku waa dulqaad iyo naxariis waxaan jecelnahay in aan runta soo bandhigno iyada oo aan qofna la niyad jebin doonin, mararka qaar waxa aad tahay qofka dadka iigu dhow ee aan qalbiyada is-dhaafsano wax walba.

Boqolaal qalbiyo aad ayey uga yar-yihiin inay qaadaan dhammaan jacaylka aan kuu qabo, maba ogeyn ebedkeyga macnaha jacayl ilaa adiga aad iga soo hor baxday

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *