Dortmund iyo Barcelona Oo Soo Gudbay, Mbappe Oo La Baxsaday PSG, Guushii Man City Ee Waqtiga Dambe Iyo Natiijooyinka Kulamadii Champions League Ee laga Ciyaaray

0

Kooxda Barcelona ayaa usoo gudubtay wareega 16-ka tartanka Chamions League, kadib guul soo laabasho ah oo ay ka gaartay FC Porto oo gool kala hormartay, laakiinse ay ka daba keeneen laba gool oo kale.

Labada gool oo ay kala dhaliyeen xiddigaha reer Portugal ee Felix iyo Cancelo ayaa Barcelona u dhaliyey labada goal ee sababta u noqday in ay usoo gudbaan wareega 16ka, iyada oo booska kaalinta labaad ee Group H ay ciyaarta ugu dambaysa ku dagaalami doonaan FC Porto iyo Shakhtar Donetsk.

Farxada ugu badan ee caawa waxa ay usoo hoyatay Kooxda Borussia Dortmund oo ka soo baxday Group-ka dhimashada ee F, kadib markii ay 3-1 kusoo xasuuqeen AC Milan oo ay ku booqdeen garoonka San Siro Stadium.

Kulan xamaarsadiisu sarreysay oo ay Milan iyo Dortmund isku faro saareen ayaa waxa Milan ay iska lumisay rikoore daqiiqadihii ugu horreeyey, hase-yeeshee Dortmund ayaa iyaduna ka faa’iidaysatay rikoore loo dhigay, ka hor intii aanay kooxda Talyaanigu keenin goolka barbarraha qaybtii horeba.

Naadiga Borussia Dortmund oo ka ordaysay kooxaha kale ee ay isku group-ka yihiin ee PSG iyo Newcastle, ayaa laba gool keentay qaybtii labaad, waxayna durduro ugu soo gudubtay wareega 16-ka.

Ciyaarta sida weyn indhaha loogu hayey waxa uu ahaa PSG oo daqiiqadii ugu dambaysay rikoore ku barbarraysay Newcastle Ciyaar ka dhacday Parc des Princes.

Xiddiga Alexander Isak ayaa hoggaanka u dhiibay Newcastle United oo marti ahayd qaybtii hore, laakiinse PSG oo si adag u dagaalantay ayaa ugu dambayntii uu nasiibku caawiyey dhamaadkii waqtiga dheeraadka ahaa oo rikoore looga soo daawaday VAR loo dhigay, kaasoo uu gool u beddelay Mbappe oo fursado badan khasaariyey xalay.

Kulanka ugu dambaysa ee Group-kaan ayaa waxa ay go’aamin doontaa kooxda soo raacaysa Dortmund, sababta oo ah AC Milan iyo Newcastle oo min shan dhibcood haysta ayaa wada ciyaari doona, waxaana midkooda badiya uu tegi doonaa siddeed dhibcood, halka PSG oo 7 dhibcood haysata ay la ciyaari doonto Dortmund, waxayna u baahan yihiin in ay badiyaan, si ay uga badbaadaan in ay daafto midkooda soo guuleysata kooxaha Newcastle iyo AC Milan.

Waxaa kale oo wareegga 16-ka usoo gudbay kooxaha Atletico Madrid iyo Lazio oo ka soo baxay Group E, hase-yeeshee natiijada cajiibka ah ayaa waxa ay ahayd guul soo laabasho ah oo ay Manchester City ka gaartay RB Leipzig oo qaybtii hore ku lahayd 2-0, laakiinse markii lagu soo noqday qaybta labaad ayaa Man City keentay 3 gool, sidaana ugu badisay 3-2, laakiinse labadooduba waa ay usoo baxeen wareegga 16-ka.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *