1. Xilliyada qaar waxaa wanaagsan in qofku iska aamuso inti uu dadka u sheegi lahaa dareenkiisa, sababtoo ah way ku sii dhaawaceysaa keliya goortii aad ogaato inay ku maqli karaan, laakiin aysan ku fahmi karin ama aysam ku garan karin.

 

2. Waxa aan ka xiran karnaa indhaha waxyaabaha aynaan rabin in aan aragno, laakiin kama xiran karno qalbigeenna waxyaabaha aynaan rabin in aan dareeno.Aad bay daruuri u tahay inaan xushmayno dareenka dadka kale.

 

3. Kala fogaanshuhu ma baabi’iyo ama ma burburiyo xiriirka. Ma’aha in aad aragto qof jaceyl idinka dhaxeeyo maalin kasta ama waqti kasta. Muhiim ma’ahan joogitaanka qoloftaada ee waa waxa Qalbigaaga ku jira mmm.

 

4. Dadka inta badan ilmeeya ma’aha dad jilicsan, balse oohintu waa sida Qalbigaagu u hadlo goortii bushimahaaga aysan sharixi karin xanuunka aad dareemayso.

 

5. Waxaa jira Weedho ama hadalo waxyeela Qalbiga si ka daran Seef lagu dhuftay, waxaa jira hadalo qofka ku noqda waran kaga taagan wadnaha noloshiisa oo dhan, ka taxadar hadalada aad dadka kula hadleyso.

 

6. Jecloow waxa  uu rabo Qalbigaaga, ma’ahan waxa Indhahaagu arkaan., dadka kale waxa ay yiraahdaan ama kuu arkaan haka welwelin. Kani waa Jaceylkaadi, ma’aha midkooda.

 

7. Digniiin: Jeclow ama ka tag Qalbi ku dhaawacay, balse marnaba adigu ha dhaawicin Qalbi ku jecel. Run waa loo ekaysiin karaa dhoola-cadeyn iyo qosol been ah, laakiinse marnaba lagama been sheegi karo ilinta iyo dareenka dhabta ah.

 

8. Xidhiidho badan ayaa burbura, sababtu ugu weyn ma’aha Jaceyka oo meesha ka maqan, Jaceylku had iyo jeer waa joogaa, ma tago. Qof ayaa keligii aad wax u jeclaa, halka qofka kale isaga jiray ciyaar iyo qiyaali ama dhalanteed.

 

9. Taxadar: Ha u oggolaan xiriir hore oo noloshaada ah inuu burburiyo Farxada mustaqbalkaaga. Damqashada dhaawacyadu waa inay ku xasuusiyaan wixi aad ka soo gudubtay, ma’aha halka aad ku socoto.

 

10. xaqiiq: Dadka qaarkii marnaba ma lunto quruxdooda si kasta oo ay u weynaadaan, da’na ugu darsanto, sababtoo ah quruxdoodu marnaba ma ahayn wejiga, waxay ahayd Qalbiga

 

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *