DEG DEG: Xiddiga, Goolhayaha, Tababaraha iyo Xulka Sannadka Ee Qaaradda Afrika ayaa Lagu Dhawaaqay

0

Xiddiga reer Nigeria ee Victor Osimhem ayaa ku guuleystay abaal marinta xiddiga sannadka ugu fiican qaarada Afrika ee CAF Men’s Player of the Year 2023 ee uu bixiyo xiriirka kubadda cagta ee Afrika.

23-jirkaan oo kooxdiisa Napoli ka caawiyey inay ku guuleysato horyaalka Serie A xilli ciyaareedkii hore, ayaa wuxuu abaal marinta xiddiga Afrika ee sannadka ku garaacay Mohamed Salah oo Liverpool u ciyaara, Achraf Hakimi oo u dheela PSG iyo xiddiga kooxda Al-Nassr ee Sadio-Mane.

Weeraryahan Victor Osimhema yaaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee reer Nigeria ah ee ku guuleysta abaal marintaan tan iyo sannadkii 1999-kii, waqtigaas oo uu laacibkii Arsenal ee Nwankwo Kanu ku guuleystay abaal marinta xiddiga Afrika ee CAF.

Waxaa kale oo uu noqday ciyaartoygii labaad ee ka ciyaara horyaalka Talyaaniga ee Serie A ee ku guuleysta abaal marintaan tan iyo sannadkii 2010 oo uu Samuel Eto’o oo ka tirsanaa Inter Milan uu si la isku raacsan yahay ugu guuleystay.

Gool dhaliyahaan reer Nigeria oo Napoli u saxeexay 26-gool 32 kulan oo horyaalka Serie A ah xilli ciyaareedkii tegay, isla markaan ka caawiyey in ay ku guuleystaan horyaalka oo ay kooxdaasi ka qataneyd 33 sanadood, ayaa waxaa kale oo dhowaan uu ku guuleystay ciyaartoyga ugu fiican horyaalka Talyaaniga ee Serie A.

Xaflad lagu qabtay dalka Morocco ayaa waxaa kale oo goolhayihii sannadka ku guuleystay Yassin Buno oo ah goolhayaha xulka Morocco, halka tababarihii sannadkana uu qaatay tababaraha xulka Morocco ee Walid Regragui kadib markii xulka dalkaasi uu gaaray afar dhamaadka Koobkii Adduunka ee lagu qabtay dalka Qatar, sidoo kalr Dalka Marrocco ayaa loo doortay Xilka ugu fiican sanadka qaaradda afrika.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *