DEG-DEG: Xiddig muhiim u ah Kooxda Manchester oo heshiis la gaaray Koox ka ciyaarta Horyaalka Sacuudiga.

0

Xiddiga qadka dhexe kooxda Manchester city ee Kevin De Bruyne ayaa lagu soo waramayaa in uu heshiis shaqsi ah la gaaray si uu ugu biiro kooxda ka ciyaarta horyaalka Saudi Arabia ee Al-Ittihad.

Kadib markii uu ku dhawaad ​​toban sano ku qaatay garoonka Etihad, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Belgium heshiiska uu haatan kula joogo kooxda ayaa lagu wadaa inuu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda.

Ciyaarayanka De Bruyne ayaa ahaa bartilmaameedka 1-aad ee horyaalka sucuudiga haatana maamulka kooxda Al-Ittihad ayaa dardar galinaya qorshohooda.

Sida laga soo xigtay Qoraaga Rudy-Galetti, De Bruyne ayaa haatan heshiiska shaqsiga ah la gaaray kooxda sucuudiga ka ciyaarta.

Wadahadalada ayaa la sheegayaa in ay u socdaan kooxda si ay uga heshiiyaan qiimaha xiddiga 33 jirka ah.

Kooxda Al-Ittihad oo dhawaan loo magacaabay tababarihii hore ee xulka France Laurent Blanc ayaa haysata xiddigo badan oo magac ku leh kubada cagta kana mid yihiin N’Golo Kante, Karim Benzema, Fabinho îyo Jota.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *