DEG DEG: Tababare Premier League ah oo uu Xanuun Ku soo Booday oo Isbitaalka Loola Cararay

0

Horyaalka Xiisaha badan waddanka Ingiriiska ee Premier League waxa maanta loo ducaynayaa tababare weyn oo ruug caddaa ah, ayaa xanuun kusoo booday oo cusbitaalka loola cararay, waxaana illaa iyo hadda ay kooxdiisu sugaysaa in dhakhaatiirtu ay warbixin siiyaan.

ciyaartii Crystal Palace iyo Aston Villa ee horyaalka Premier League Ka hor intii aanay bilaabmin, waxa xanuunsaday tababare Roy Hodgson oo loo qaaday isbitaalka oo xaaladdiisa lagula tacaalayo.

War saxaafadeed ay soo saartay Crystal Palace ayaa lagu yidhi: “Nasiib darro Roy Hodgson waxa kusoo booday xanuun maanta gellinkii hore, qaybna kama noqonayo ciyaarta Villa Park.

“Roy Hogson wuxuu uu la xidhiidhayaa Paddy-McCarthy oo maanta maamulaya kooxda, iyada oo uu gacanyare u noqonayo Ray-Lewington. Soo kabasho baanu u rajaynaynaa tababare Roy. Waxaanu u diraynaa duco.”

Tababare Roy Hogson waa 76 jir soo layliyey inta badan kooxaha horyaalka Premier League.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *